Isniin, July 28, 2008(HOL): Gaari PG ah oo ay saarnaayeen Dad safar ah oo ku sii jeeday deegaanka Geel-Gub ee Degmada Cadale ayaa wuxuu ku rogmaday nawaaxiga Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Afar Ruux oo ay ugu daran tahay Haweeney ayaa shilkaas gaari ku dhaawacmay, waxaana dadkaas dhaawacmay loola soo cararay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Warshiikh C/raxmaan Macallin Axmed oo shilkaas ka hadlay ayaa sheegay in gaariga uu u rogmaday sabab la xiriirta iyadoo wadada xeebta marta ee u kacda Gobollada Dhexe uu bacaad weyn ku soo butaacay, taasina ay keento shilalka ka dhaca nawaaxiga Degmada Warshiikh.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Degmada Warshiikh ka dhacay shilal gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay, kuwaasi oo badankood ay ku dhaceen gaadiid ay dad safar ah saarnaayeen.
Marka laga soo tago in Waddooyinka aysan hagaagsaneyn hadana waxaan meesha ka marneyn xil-kasnimo la’aan ay mararka qaarkood la yimaadaan Darawaliinta kaxeysa Gaadiidka, kuwaasi oo si xowli ah u kaxeeya Gaadiidka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia