Meydadka Seddax dhalinyaro ah oo laga helay Biyaha Webiga Shabeele ee Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Isniin, July 28, 2008(HOL): Shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ayaa maata ka soo saaray Biyaha Wabiga Shabeele sadax Wiil oo dhalinyaro ah oo loo maleynayo in ay dileen Ciidamada Itoobiya maalmihii ay socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga.
 
Dhalinyaradan oo dhamaantood madaxa laga toogtay ayaa waxaa markii danbe aasay ehelladooda oo aqoonsaday, waxaana wali jira baaritaan ay wadaan shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas maadaama ay jiraan dhalinyaro wali lagu la’ yahay dagaalladii ka dhacay Magaalada kuwaas oo la tuhunsan yahay in qaarkood ay gacanta u galeen Ciidamada Itoobiya ama ay goobo kale rasaastu ku haleeshay maadaama wali goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
Baaritaanka ay wadaan shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas ayaa ku soo beegmay xilli maalintii sadaxaad Magaaladu xasiloon tahay, waxaana jirta in hadda Qoysaska qaarkoodu bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda kadib markii ay u adkeysan waayeen xaaladda nololeed ee goobihii ay ku barakaceen.
 
Meydadka maanta laga helay Biyaha Wabiga Shabeele ee Magaalada Beledweyne ayaa ka dhigay tirada guud dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay gudaha Magaalada ilaa 23 ruux oo u badnaa dad rayid ah.
 
Dhinaca kale waxaa wali meel wanaagsan maraya kulamadii u socday Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya kuwaas oo lagaga wada hadlayo xaalada Magaalada iyo waliba in aan mar kale lagu dul dagaalamin shacabka oo ah  kuwa waxyeellada ugu badan ay ka soo gaarto dagallada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia