Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Qandaraaslayaal Diinta ka been-sheega ku tilmaamay Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe)
Isniin, July 28, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa ku eedeeyay kooxaha dagaalka kala soo horjeeda in ay diinta ka been sheegaan, isla markaana ay qandaraas ka soo qaateen dad shisheeye ah.

“Waxay sheegaan in ay Diinta difaacayaan, iyaga ayaana ka been sheega oo sameeya wixii ay diinta ka reebtay”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo 100% muslim ah.

“Waxay dilaan Dad Masjid ka soo baxay, waxay sidoo kale dilaan cid kasta oo ka hor-timaada waxa ay doonayaan”ayuu mar kale yiri Shiikh Aadan Madoobe oo carrabka ku dhuftay in Diinta Islaamka ay tahay Diin Naseexo iyo Nabadgelyo ah.

Shiikh Aadan Madoobe oo Magaalada Baydhabo kula hadlayay Ciidamo Boolis ah oo lagu soo tababaray Itoobiya waxaa uu intaas ku daray in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay adeegsadaan dhalinyaro aan aqoon wanaagsan u lahayn Diinta Islaamka, kuwaasi oo sida uu yiri ay madaxa ka qabsadaan.

Ugu dambeyntii Shiikh Aadan Madoobe wuxuu ugu baaqay Ciidamadii uu la hadlayay in ay u dhabar adeygaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen nabadgelyo la’aan ka jirta Dalka Soomaaliya, isagoo u ballanqaaday Ciidamadii uu la hadlayay in xuquuqdooda meel la saari doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia