Isniin, July 28, 2008(HOL): Labo Af-hayeen oo u kala hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay guulo ka kala sheegteen Dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya G/lle Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay nabad-diid oo shalay weerar ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiya ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada ay 12 nin ka dileen, seddex kalena ay ka dhaawaceen, kuwaasi oo uu sheegay in dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaal ku yaala gudaha Xarunta Warshaddii Baastada.
Mar sarkaalkan wax laga weydiiyay khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray Dagaalkii shalay waxaa uu sheegay in dhinacooda uu ka dhaawacmay hal askari, kaasi oo uu sheegay inuu bowdada ka galay firir ka soo booday Madfac laga soo ganay Qori PBG ah oo ay isticmaalayeen Kooxihii ka soo horjeeday Ciidamada Dowladda.
Laakin Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa beeniyay hadalka uu sii daayay Sarkaalka u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in aaney jirin dagaalyahanno looga dilay dagaalkii shalay.
C/raxiin waxaa uu sheegay in ay ogyihiin kaliya in ay dagaalkii shalay ku dhinteen Dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen Madaafiic ay Warshadda Baastada ka tuureen Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna caddeeyay in uusan jirin qof kaga dhaawacmay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Huriwaa.
Marka laga soo tago sheegashooyinka Afhayeennada u kala hadlay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijineysa khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay oo labada dhinac soo kala gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia