Jimco, July 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in xalay deegaanka Ceel Dheere oo gobolkaas ka tirsan lagu dilay shan ruux oo rayid ah.
Shanta Ruux ee la dilay oo Xoola-dhaqato ahaa ayaa waxaa toogtay rag hubeysan, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay u dileen, marka laga reebo warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in dadkaas loo dilay aano qabiil.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in ragga dilka geystay ay ka careysnaayeen dil dhawaan loo geystay Guddoomiyihii Degmada Aadan Yabaal Marxuum Muxumed Cariif Xeyle, kaasi oo u geeriyooday dhaawac loogu geystay gudaha Degmadaas.
Dhawaanahan ayaa deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka jiray dilal loo geysanayay Dad Xoola-dhaqato ah, dhowr jeer oo hore ayaana deegaanno ka tirsan Degmada Mahadaay dil loogu geystay Dad Xoolo-dhaqato ahaa, kuwaasi oo iyagoo xoolahooda dhaqanaya la toogtay.
Sharci iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa waxay keentay in ay caadi iska noqdaan fal dembiyeedyada ay ka midka yihiin dilka, dhaca iyo kufsiga, kuwaasi oo ay geysanayaan Dad aan xil-kas ahayn oo ku kaca wax kasta oo uu awood u siinayo hubka ay gacanta ku heystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia