Qeybtii labaad Ciidamo Soomaali ah oo Itoobiya lagu soo tababaray oo soo gaaray Degmada Waajid

Cabirka Farta

Jimco, July 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ay Degmadaas soo gaareen Ciidamo Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay gudaha Dalka Itoobiya.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa waxay ka soo tallaabeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo Soomaaliya ka soo galay dhinaca Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Luuq oo aan la xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in ay Ciidamadan Soomaalida ah ay galbinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka soo kaxeeyay dalka Itoobiya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadan Soomaalida ah ay u socdaan Gobolka Bay, gaar ahaan Xaruntiisa Baydhabo, halkaasi oo ah Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kadibna ay ka sii aadi doonaan halkii ay u gartaan madaxda sare ee Dowladda.

Ciidamo Soomaali ah oo kuwan ka horeeyay ayaa iyagoo socod ku marayay duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay waxaa weerar ku qaaday Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo mar kalena lagu weeraray inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qeybtii hore ee Ciidamadan Soomaalida ah ee lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa waxay gaareen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay magaalada wada gelin, isla markaana ay qeyb ka mid ah fariisin ka sameysteen nawaaxiga Xeradii Ciidamada Asluubta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia