Jimco, July 25, 2008(HOL): Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee fadhigiisu yahay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Magaalada Beledweyne iyo madaafiic ay shalay ku duqeeyeen magaaladaas.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbaheysiga oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Isbaheysiga Saleebaan Colaad Rooble ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee degan Xerada Janta-kuundisho ay si aan loo meel dayin ay madaafiic ugu garaaceen dad rayid ah oo ku sugan gudaha Magaalada Beledweyne
“Magaalada B/weyne oo dadka ku nooli la il-daraayeen taakuleynta iyo meeleynta dadkii faraha badnaa oo ay Ciidamada Cadawgu ka soo barakiciyeen degaanmnadoodii iyo guryahoodii ayaa shalay subax ku waabariistay madaafiic aan loo meeldayin oo geystay dhimasho toban ruux kor u dhaaftay iyo dhaawac aan ka yareyn, halka intii ka badbaaday ay qaxeen guryahoodii”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti.
Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa ugu baaqay Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha in ay ka hadlaan dhibaatadii ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen Magaalada Beledweyne, isla markaana ay jawaab cad ka soo saaraan.
“Isbahaysigu waxa uu Qaramada Midoobay, Ururrada Goboleed iyo kuwa Dowliga ahba uga baaqayaa inay gacan ka geystaan sidii Ciidamada Ethiopia ee cadawga ku ah nabadda iyo deganaasho ka dhacda Soomaaliya dalka looga saari lahaa”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka Isbaheysiga.
Ugu dambeyntiina Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay inay u kaalmeeyaan dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka dhacaya Soomaaliya, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabaddi iyo kala dambeyntii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia