Dab barakacay sababay oo xalay qabsaday Xero Qaxooti oo ku taala Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Jimco, July 25, 2008(HOL): Abaaro 10:30 ee xalay ayaa dab aad u xoog badan waxa uu qabsaday Mid ka mid ah xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Boosaaso oo lagu Magacaabo Tuulo Absame.

Tuulo Absame ayaa ka mid ah Xeryaha ay daganyihiin dadka soo barakacay badi, kuwaasi oo siyaabo kala duwan u soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaar ka mid ah dadka dagan xeradaasi oo aan maanta booqday ayaa sheeegay in Dabkani uu kacay kadib markii ruux sigaar Cabayay uu isaga tuuray haashkii Sigaarka meel ku dhaw xeradaasi ,taasina ay keentay in dabka uu dhasho.

Waxaa Xerada dabkan uu qabsaday oo ah meel ay daganyihiin dadka soo barakacay durbadiiba gaaray dab damiska Gobolka iyo Masuuliyiin ka socotay Gobolka si ay u soo indha indheeyaan khasaaraha gaaray dadkaasi.

Ma jiraan Cid ku waxyeeloowday dabkaasi, balse waxaa khasaare hantiyeed oo aad u daran uu soo gaaray dadkii ku nool Cooshadahaasi gubtay, waxaana uu dabkaasi barakaciyay Dad horay uga soo barakacay Guryahoodi.

Inta badan dabka qabsada xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay ayaa ka dhasha dabaylaha ka jira gudaha Magaalada Boosaaso, maadaama lagu jiro xiligi xagaaga oo ay dabayluhu aad u dhacayaan.

Dadka ku jira xeryahaasi ayaa maamulka gobolka ka codsaday in lala soo gaaro gar gaar mucaawino si loo daboolo baahidooda gaajo, mana jiraan ilaa iyo hadda wax deeq ah oo dadkaaasi la gaarsiiyay.
 
Faysal Mxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso , Somalia