Xaaladda Magaalada Beledweyne oo xalay iyo saakayba degan kadib dagaal Culus oo shalay ka dhacay

Cabirka Farta
Jimco, July 25, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay ilaa saakayba degan kadib markii maalintii shalay dagaal culus uu ku dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxaana saakay markii uu waagu baryay lagu arkayay dhamaan Is-gooysyada iyo Buundada isku xirta Bariga iyo Galbeedka Magaalada Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan isla markaana meelaha qaar u diidayay dadka rayidka in ay maraan sababo dhinaca amaanka ah.
 
Xaafadda Howl-wadaag oo ku taala Galbeedka Magaalada oo maalintii shalay Ciidamada Itoobiyaaku u geysteen duqeyn xoog leh ayaa saakay cidla ah kadib markii ay isaga guureen dadkii rayidka ahaa oo u adkeysan waayay Madaafiicda ay soo ridayaan Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Jante-kuundisho oo maalintii shalay ahayd ilaa 20 Madfac ku riday qeybo ka tirsan Xaafada Howl-wadaag.
 
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ah ee dagaalka la galay Ciidamada Itoobiya ayaa wali iyagu ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana mar walba la filan karaa dagaal mar kale ka dhaca gudaha magaalada taa oo keentay in dadku bilaabo barkaca aan horay oo arag.
 
Sidoo kale waxaa xaalada uga sii daray markii saakay lagu arkay gudaha magaalada gadiidka loo yaqaan (Uralka) oo ay isticmaalaan Ciidamada Itoobiyaanka kuwaa oo hub iyo saanad kaleba ku dajinayay Xarumaha ay ka dagan yihiin Magaalada Ciidamada Itoobiya gaar ahaa kuwa fadhigoodu yahay Buundada-Liqliqato oo ah halka maalintii shalay dagaalku ka bilaawday.
 
Dhinaca kale waxaa wali xaran goobihii ganacsiga Magaalada kuwaas oo albaabada leysugu dhuftay maalintii shalay, waxaana ay ganacsatadu kuu sheegayaan in aysan jirin Meherad shaqeyn karta inta Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxaha ka soo horjeeda isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.
 
Sikastaba arrintu ha haaatee, dagaalkii maalintii shalay ahayd ku dhaxmaray gudaha Magaalada Beledweyne Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa la oran karaa waxaa uu ahaa kii ugu qaraaraa ee sanadahan soo mara Magaalada, maadaama hubka dagaalkii shalay lagu isticmaalay uu ahaa mid ku cusub inta badan dhagaha dadka rayidka ah ee ku dhaqan Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia