Khamiis, July 24, 2008(HOL): Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay haatan degan tahay kadib dagaal xooggan oo maanta ka dhacay.
Inkastoo ay haatan xaaladda magaalada degan tahay hadana waxaa xili kasta la filan karaa dagaal kale oo dhexmara labada dhinac waayo ma jirto cid weli laga itaal roonaaday oo magaalada Dibadda looga saaray.
Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa wuxuu soo sheegayaa in dagaalka maanta ka dhacay magaalada uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo dadka, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin goob ganacsi oo maanta la furay.
Marka laga soo tago dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac ku dhexmaray gudaha Magaalada waxaa jiray Madaafiic culus oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ka soo tuurayeen Buurta Janta Kuundisho oo ay Ciidamada Itoobiyaanka Saldhig ka dhigteen, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo laga xaqiijiyay 7 ruux oo rayid ah kuwaasi oo ku geeriyooday nawaaxiga Buundada Liiq-liiqato.
Inta badan dadkii ku dhaqnaa Magaalada Beledweyne ayaa markii uu dagaalka bilowday waxay naftooda ula carareen meel kasta oo ay is-dhihi karaan waad uga badbaadeysaan rasaasta iyo madaafiicda aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan, waxayna magaalada noqotay mid ay ku soo hareen dhinacyada dagaallamaya iyo dad yar oo ilaashanaya guryahooda iyo goobahooda ganacsiga.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay saaka gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne kadib markii gudaha Magaalada lagu daadiyay Waqrado loogu digayo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo looga digayay in ay joojiyaan wada hadallo ay la wadeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Janta-Kuundisho.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia