Khamiis, July 24, 2008(HOL): Ciidamada Poliska Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa bilaabay xiliga habeenkii hawlo Roondooyin ah, kuwaasi oo lagu baadi goobayo kooxo uu Maamulku ku sheegay in ay yihiin Qas wadayaal.
Hawl gallada ayaa ah kuwa wax looga qabanayo Amniga Magaalada Boosaaso oo iminka uu Muuqanaya mid soo xumaanayay dhawrkii habeen ee la soo dhaafay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dawlad Goboleedka Puntland General Gaani Maxamed Xaaji ayaa sheegay in wax wayn laga qaban doono Amniga Gobolka iyo kan Degmada ,isla Markaana Gacanta lagu soo dhigi doono dad lagu tilmaamay in ay khal khal ay ku abuurayaan amniga Puntland.
Labo habeen ka hor ayey ahayd markii askari ka trisan Ciidanka Booliska Gobolka Bari lagu dilay xaafadda laanta Hawad ee Magaalada Boosaaso kaasi oo ay dileen kooxo aan ilaa iyo hadda la garan.
General Gaani Maxamed Xaaji Taliyaha Ciidanka Booliska dawlad goboleedka Puntland ayaa intaasi ku sii daray in ay bilaabi doonaan qorshayaal loo diyaariyay sidii wax looga qaban lahaa Amniga.
Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay dhawr iyo tabon dhalinayro ah oo la xiriirnayo amni xumada baryihii u danbaysay ku soo kordhaysay Gobolka Bari, gaar ahaan Boosaasao.
Lama garanayo talaabooyinka Ciidanka Booliska ay la tiigsan doonaan dadka iminka ay gacanta ku hayaan , kuwaasi oo siyaabo kala duwan danbiyo loogu soo eedeeyay.
Dhinaca kale waxaa ka soconaya Magaalooyinka waa wayn ee Puntland kulamo looga arinsanayo amniga Puntland, xilli Booliska Puntland dhawaantaan loo qaybiyay Qalab isugu jira Baabuur iyo dharka Ciidanka si ay amniga wax uga qabtaan..
Isku soo wada duuboo Magaalooyinka qaar ee Puntland sida Gaalkacyo iyo Bosaaso ayaa noqday kuwa ugu Amni xumada badan Punland ,iyadoo shacab waynahana ay ku baaqeen in arintani wax laga qabto sida uga dhakhsiyaha badan.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia