Ganacsatada Xoolaha Gobollada Gabiley iyo Awdal oo taageeray Heshiiska Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri

Cabirka Farta


Khamiis, July 24, 2008(HOL): Guddida ganacsatada Xoolaha nool ee Gobollada Gebilay iyo Awdal ayaa sheegay in aanay Ganacsatada koota-diidka ah la qabin cabashada ku aaddan heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Al-Jaabir, isla markaana aanay ka warqabin meel xilka lagaga qaaday Guddoomiyihii Guddida ganacsatada xoolaha Somaliland Mr Cali Ibraahin Ciise. Waxaanay sheegeen inay taageersan yihiin Heshiiska cusub ee ay Xukuumaddu la gashay Ganacsade Al-Jaabiri.

Ganacsatadan oo shir jaraa’id oo kala gaar-gaar ah ku kala qabtay degmada Wajaale ee Gobolka Gebilay iyo Magaalada Borama ee gobolka Awdal, ayaa sheegay in aanay ku raacsanayn Ganacsataddii dhawaan cambaaraysay heshiiskan, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay dalka ka abuurayaan nabadgelyo xumo, iyaga oo xukuumaddana ka codsaday in kooxdaas talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.
 
Ganacsatada Gobolka Gabiley:

Ugu horayn waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay guddoomiyaha guddida ganacsatada xoolaha ee Gobolka Gebilay Maxamed Aw Yuusuf Ducaale, waxaanu yidhi “Anagu Hadaanu nahay Ganacsatdii Gobolka Gabiley, Waxaanu taageersanahay Mowqifka Xukuumada, nimanka is-magaacabay ee leh Gudi baanu nahay, wax alaale wax aanu ka ogolahay ma jirto, cid nagaga jirtaana ma jirto Gobol ahaan, waxaanu ka ognahayna ma jirto, waxaanu taaganahay go’aanka xukuumadu soo gaadhay ee shanta bilood uu sidaa ahaado, Xoolahana halkaa lagaga iibsado dadka.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Cabdinaasir Cali Xayd oo isaguna ka mid ahaa xubnii shirkaasi jaraa’id ka hadlay, waxaanu ka waramay sababta ay Dawladaha Carabtu xayiraadda u saareen Xooaha.  “Waxaanu nahay shirkada ugu wayn ee oo xoolaha gayn jirtay dalka imaaraadka carabta, halkaasi oo aanu ku lahayn xafiis la yidhaa Cabdul, Magaalada Dubay, bishii 12-2006-dii ayaanu markab adhi iyo lo’ sida u dirnay Imaaraadka, saddex cisho markii uu badda ku sii jiray, ayaa lanoo sheegay in xoolihii la xidhay, dabadeed markabkii halkii baanu ka soo celinay.

Wakiiladayada Dubay markii ay waydiiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Imaaraadka, sababta ay xoolaha u joojiyeen, waxay ku yidhaahdeen Maadaama aanaan dalkiinu lahayn Maxjar laga hubiyo Caafiimaadka Xoolaha sidaasi darteed aanay aamini karin in xoolahani ka fayowyihin Cuduro.

Dedaal ay xukuumadu gashay ka dib, waxay ku guulaysatay in dalka loo sameeyo Maxjar si ay Xooluhu ugu gudbaan Caqabada Hortaala, kaasi oo ay hadda furitaaniisa ka hadhsan yihiin 5bilood, waxaana  Maxjarkaasi ka soo horjeedsafday niman reer Somaliland oo la tuhun sanyahay in laga danbeeyo, , Waxaan leeyahay Gudidada ganacsatada Xoolaha Waad aogtiihiin cida aan  ahayn ganacsato xoolaad oo dadka u sheegayana inay yihiin gudi, sidaasi darteed dadka Waxaad u sheegtaan in ayna dakaasi ganacsato ahayn, Dowladana waxaan leeyahay waxauy dadku kuu doorteen inaand u adeegto, sidaasi darteed hadba qofkii hadla inaad isku mashquulisaan maaha, heshiiskaa aad la gasheena sidiisa u fuliya.

Qolyahan danbe ee baryahan danbe hadlayay waxay iskugu jiraan saddex qaybood, qaybi waa dilaaliin, qaybina waa siyaasiyiin iyo qayb tiri yar oo ganacsato ah…Dadkana waxaan leeyahay nabadgalyada ilaashada. Guddoomiyaha Gudiga ganacsataduna waa Cali Ibraahin Ciise, isagaanan xilkaa ku ogayn.” Ayuu yidhi Cabdinaasir.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Abiib Cilmi Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada xoolaha gobolka Gebilay, waxaanu ku tilmaamay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri mid waxtar u leh dalka, isla markaana loo baahan yahay in la taageero. “Heshiiska Xukuumadu la gashay Al-Jaabiri waxa ka mid ah haddii ay tahay Maxjarka iyo haddi ay tahay raashinka iyo haddii ay tahay shuruudaha heshiiskaba inuu ka soo baxo shanta bilood, ka dibna umadda reer Somaliland uu u fasaxo xoolaha, dabadeedna nin walba meesha uu doonayo uu u dirto. Anagu Waxaanu diidanahay ragga leh, qori baanu wax ku marsiinaynaa.” Ayuu yidhi Abiib.

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa iyana ka mid ahaa, Ganacsade Cabdi Saleebaan Xasan iyo Xaaji Cabdi Ibraahim oo Xubnaha Ganacsatada Xoolaha ee ka cabanaya heshiiskan ku tilmaamay inaanay ahayn Ganacsato. “Ninka ganacsadaha ah ee Sayladaha taga ee wax ka iibsada iyo nin Hargeysa iyo Barbara jooga oo markab rara in Dowladu kala garan waydo maaha, waana khalad ay Dowladu leedahay, mana aha inay Ganacsiga xoolaha kala xaajooto dad aan ganacsataba ahayn” ayuu yidhi Cabdi Saleebaan.
 
Ganacsatada Gobolka Awdal:
 
Ganacsatada dhoofka Xoolaha ee Gobolka Awdal, ayaaa iyana Shir Jaraa'id oo ay ku qabteen Hotel Rays ee magaalada Borama kaga hadlay aragtidooda ku aaddan heshiiska Xukuumaddu la gashay Ganacsadaha Sacuudiyaanka ah ee Al-Jaabiri.

"Ma ogilin ninka Sheegtay Inuu Guddoomiye u yahay Ganacsatada Xoolaha Somaliland meel lagu Doortayna ma naqaan" Sidaa waxa yiri Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee Gobolka Awdal, Cabdilaahi Abiib Ciise. Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, "Waxaan leeyahay dadka yaan been loo sheegin oo la khaldin..Waxaan leeyahay, wax shan bilood gaadhaa wax dadka lagu kala dilo maaha, shantaa bilood wixii ka dambeeya ninkani (Al-Jaabiri) isaga ayaaba heshiiskii ka baxaya, haddii wixii uu balan qaaday dhamaystiri waayo, waanan taageersanahay go’aankaas.”

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee Gobolka Awdal  Faarax Maxamuud Nuur, oo yiri, "Ciddii rabta inay Hogaan u noqoto ganacsatada Xoolaha waan soo dhawaynaynaa, hana soo maraan Shariciga Dalka u yaala, oo ha tagaan Rugta Ganacsiga ee Magaalada Hargeysa. Laakiin, Koox yar oo meelahaa ka had-Hadasha uma baahna ganacsiga Xooluhu. Waxaananu si buuxda u taageersanahay Heshiiska Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri".

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland