Xoogagga Al-Shabaab oo howlgallo nabad-sugid ah ka wada Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Khamiis, July 24, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay gacan ku heynta Degmadaas la wareegeen Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa markii ay gaareen Degmada Qansax-Dheere waxay la wareegeen oo ay fariisimo ka sameysteen Xarunta Degmada iyo weliba Waddooyinka Degmada laga soo galo, iyagoo isla markiina bilaabay howlgallo ay amniga ku sugayaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogagga Al-Shabaab ay kulamo la leeyihiin Odayaasha Degmada iyo weliba xubno ka tirsanaa maamul Degmada ka jiray, kuwaasi oo xilalkii ay hayeen iska casilay.

Xooggag Al-Shabaab oo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay la wareegaan gacan ku heynta Degmada Qansax-dheere ayaa haatan wuxuu la wareegitaankooda degmada ku soo beegmay iyadoo ay inta badan is-casileen xubno ka tirsanaa maamul ay Dowladda Federaalka u magacawday Degmadaas.

Ugu dambeyntiina, Degmooyinka dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool ayaa dhawaanahan waxaa gacan ku heyntooda la wareegayay Xoogagga Al-Shabaab, iyadoo maamulladii degmooyinkaas ka jirayna ay u kala baxeen kuwo is-casilay iyo kuwo xarumahoodii ka cararay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia