Madaxweyne Rayaale oo shaaciyay waqtiga la qabanayo Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland

Cabirka Farta

Khamiis, July 24, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqangelinayo muddada la bilaabayo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynuhu, Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ayaa loo qoondeeyay in la qabto 14-ka October 2008.

Warsaxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Lagu Dhaqan gelinayo  Xilliga la bilaabayo  Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha.

Madaxweynuhu , markuu arkay  qodobka 90-aad  ee dastuurka , markuu arkay qodobka 14-aad , farqadiisa Koowaad  ee xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr:20/2001, markuu arkay qodobka 12-aad farqadiisa  6-aad ee xeerka  diiwaan gelinta  codbixiyayaasha xeer Lr. 37/22007,  markuu tix geliyay  soo jeedinta  gudida doorashooyinka  Qaranka  ee wakhtiga  diiwaan gelinta  doorashooyinka.
Wuxuu soo saaray  Digreeto  lagu dhaqan gelinayo  Xilliga  la bilaabayo  diiwaan gelinta   codbixiyayaasha  oo noqonaysa maalin Salaasa ah bishuna tahay October 14,2008.”
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland