Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay Qorshe Howleedka Xukuumaddiisa

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde

Talaado, January 08, 2008(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ayaa maanta wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay qorshe howleedka Xukuumad tiro yar oo uu dhawaan soo dhisay, kaasi oo isagoo qoraal ah uu u gudbiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo XIldhibaannada Baarlamaanka u faah-faahinayay qorshe howleedka Xukuumaddiisa ayaa wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto Dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo soo celinta sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya ka jiri jiray.

"Xukuumadda Soomaaliya waxay la geleysaa Mucaaradka soo horjeeda wada hadallo furfuran oo hagar la'aan ah, waxaana rajeyneynaa in ay wada hadalladaas noqon doonaan kuwo Soomaaliya u horseeda nabad waarta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu soo magacaabay 15 Wasiir oo ka mid ah 18 Wasiir oo ay Xukuumaddiisa ka kooban tahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in 3da Wasiir ee harsan uu dhaqsi ku soo magacaabi doono, isagoo weliba sii qadimay Beelaha uu u magacaabi doono.

“Seddexda Wasiir ee harsan waxay ka imaan doonaan Beelaha Dir/Isaaq, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Xukuumadda uu soo dhisay ay noqon doonto mid Soomaaliya u furta Mustaqbal wanaagsan.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa intaas kadib ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya in ay Xukuumaaddiisa siiyaan codka kalsoonida siiyaan, si ay u gudato waajibaadka iyo howlaha hor-yaala, isagoo ballanqaaday in uusan waxba ka hagran doonin sidii Nabad waarta Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa.

Markii uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Xildhibaannada Baarlamaanka si hordhac ah ugu aqriyay qorshe howleedyada Xukuumaddiisa waxay Mudanayaasha Baarlamaanka u tumeen sacab il-biriqsiyo socday, iyadoo kadibna uu hadalkii qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Xildhibaanada u sheegay in ay muddo 24 Saacadood ah ku soo aqristaan Barnaamijka Xukuumadda cusub ee loo qeybiyay, kadibna ay xarunta Baarlamaanka dib ugu soo laabtaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxay su’aali ka taagan tahay in ay Xildhibaannada Baarlamaanka u ansixin doonaan Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha iyo in ay laali doonaan, iyadoo la xusuusan yahay in Xildhibaanno ku jira Baarlamaanka ay horay u sii sheegeen in aysan codka kalsoonida heli doonin Xukuumadda cusub, iyagoo taasina sabab uga dhigay in aaney tayo wanaagsan lahayn iyo in aaney u dhameyn  Beelaha Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia