Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka waramay Xaaladdiisa Caafimaad kadib markii uu dib ugu laabtay Dhaqtarkiisa London

Talaado, January 08, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Cromwell ee magaalada London ayaa wuxuu ka hadlay caafimaadkiisa iyo sababta keentay in uu mar kale dib ugu noqdo Isbitaalka uu ku jiro oo uu todobaad ka hor ka baxay.

Madaxweynaha oo u waramayay Radio Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in uu xaalkiisa caafimaad wanaagsan yahay, isla markaana aysan waxba ka jirin in uu liidanayo, wuxuuna caddeeyay in uu nasanayo, isla markaana uu dawooyin qaadanayo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in uu Isbitaalka ku jiri doono 2 ilaa 3 Asbuuc, wuxuuna caddeeyay in uu kadib dib ugu laaban doono Dalka Soomaaliya oo uu markaasina gudan doono howsha uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay madaxweynaha sababta keentay in uu dib ugu noqday Isbitaal uu horay uga baxay, wuxuuna sheegay in uu markii hore  u deg degay dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in ay qorshaha ugu jirtay in uu dib ugu noqdo Dhaqtarkiisa jooga London.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu rajo ka muujiyay in Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay qaban doonto howlaha hor-yaala Dowladda Federaalka Soomalaiya oo waqtiga u harsan uu aad u yar yahay, wuxuuna farta ku fiiqay in Xukuumaddii horay u jirtay ay qaban weysay howshii loo dhiibay.

Mar wax laga weydiiyay rajada uu ka qabo in uu isu soo taago xilka Madaxweynenimada Soomaaliya  marka la gaaro sanadka 2009 ayuu sheegay in uu rajadaas qabo, isagoo caddeeyay in uu yahay nin isku kalsoon, inkastoo uu sheegay in mar kasta ay doorashada  ku xiran tahay rabitaanka ay Dadka u qabaan qofka isa soo sharaxaya.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay waxa ka jira in ay diyaarad qura  wada raaceen isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo isna Ingiriiska ku sii jeeday, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas jirto,  balse aysan wax wada hadal ah yeelan, marka laga reebo in ay isa salaameen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia