Dagaal ka dhacay Deegaanka Tubada ee Degmada Dayniile

Talaado, January 08, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Deegaanka Tubada oo ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Sida ay ku warameen dad ku sugan deegaanka uu dagaalka ka dhacay dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiya ay saaka isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan deegaanka Tubada  ee Degmada Dayniile, kadibna ay halkaas isaga hor-yimaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Ciidamada ayaa intii uusan dagaalka qabsan oo ay howlgallada wadeen waxaa la sheegay in ay deegaankaas ku dileen nin deegaankaas deganaa, labo kalena ay dhaawaceen, halka mid kalena ay kaxeysteen.

Sida ay ku warantay Faadumo Xasan oo dadka deegaankaas ka mid ah ma jirin wax ay ragga la dhaawacay iyo midka la dilay ay sameeyeen oo dhibaatada loo geystay loo aaneynayo, marka laga reebo in la maagay oo loo bareeray in la dilo lana dhaawaco.
 
Dagaalka ka dhacay Deegaanka Tubada ee Degmada Dayniile ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad halkaasi ku noolaa oo u badnaa kuwo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maanta mar kale sii barakacay kadib markii dagaal looga daba geeyay meeshii ay u qaxeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Degmada Dayniile ayaa waxay ka mid tahay Degmooyinka ay u barakaceen Dad badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo guryahooda uga cararay Dagaallada iyo Qaraxyada ka dhacaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia