Bam xalay lagu weeraray Hotel ay Magaalada Beledweyne ka degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan

Talaado, January 08, 2008(HOL):  Ban kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa habeenimadii xalay lagu weeraray Hotel Galbeed oo ku yaala Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne kaasoo ay degan yihiin qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka heer Gobal iyo Degmo oo uu ka mid  yahay Gudoomiyaha Gobbalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
 
Qaraxa Bamka lagu weeraray Hotelka oo si weyn looga wada maqlay xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo sida la sheegay meherad ganacsi ku lahaa goob aan ka fogeyn halka weerarku ka dhacay, waxaana daqiiqado kadib laga maqlay daafaha Hotelka Rasaas culus oo ay ridayeen Ciidamadii ilaalada ka ahaa Hotelka, inkastoo aysan rasaastaasi cidina wax ku noqon.
 
Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan dhinaca Maamulka oo ka hadlay sida xalay weerarku u dhacay, laakiin waxaa jira warar soo baxaya oo sheegay in weerarkii xalay uu salka ku hayo muran ka dhashay Ciidamo dhawaan laga wareejiyay Bar-kootarool oo ay ku la haayeen Buundada kala barta Magaalada oo hadda fariisin u ah Ciidamo Maamulku dajiyay.
 
Hotelka habeennimadii xalay la weeraray ayaa dhawaan waxaa soo degay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka soo wareerag Gurigii uu daganaa Magaalada oo bartamihii Sanadkii ina dhaafay lagu weeraray Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.
 
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii la soo magaacabay  Maamulka Yuusuf Dabageed waxaa si weyn u sii kor dhayay Qaraxyada lagu u gaarsanayo Mas'uuliyiinta maamulka Gobalka iyo Ciidamada Dowlada Federaalka,  balse waxaa xusid mudan in dhamaan qaraxyada ka dhacay Gobbalka aysan jirin dad loo soo xiray.
 
Ugu dambeyntiina, weerarkii xalay ayaa wuxuu noqonayaa kii Labaad oo habeenno is xiga ka dhacay Xaafadda howl-wadaag ee Degmada Beledweyne marka loo eego halka ugu badan ee ay qaraxyadu ka dhacaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia