Mid ka mid Shaqaalaha Hay’adda Zamzam Foundation oo xalay Muqdisho lagu dilay

Talaado, January 08, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Zamzam Foundation, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ciise C/qaadir.

Marxuumka ayaa isagoo ku sugan agagaarka Masjidka Buulo Shiidlo ee degmada Yaaqshiid waxaa rasaas ku furay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay toogteen kadib ka qaatay taleefoon gacan-qaad ah (Mobile) ah oo uu heystay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Keysaney ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa geeriyooday intii aanan Isbitaalka la geynin, kadibna waxaa lagu soo celiyay gurigiisa isagoo Meyd ah.

Dadka ku dhaqan Xaafadda uu marxuumka deganaa oo aan u dheereyn halka lagu dilay ayaa si weyn uga xumaaday dilka marxuumka loo geystay, waxayna cambaareeyeen kooxihii dilkiisa ka dambeeyay.

Meydka Marxuumka ayaa saaka waxaa lagu aasay Qabuuraha Shiikh Cali Cabdulle ee bariga Magaalada Muqdisho, iyadoo ay aaskiisana ka qeybgaleen ehelladiisa iyo mas’uuliyiin ka socday Hay’addii uu u shaqeynayay ee Zamzam Foundation oo ah Hay’ad kaalmeysa Dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayay sii xumaaneysaa xaaladdeeda ammaan, iyadoo ay ka dhacaan dilal, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia