Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habar-gidir oo sheegay in ay saluugsan yihiin xilka looga magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Sabti, January 05, 2008(HOL):  Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habar-gidir oo maanta shir ku yeeshay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen hadal saxaafadeed ay ku sheegayaan in ay saluugsan yihiin xilka looga magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Salaadiintan oo ay ka mid yihiin Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali), Suldaan C/naasir Jaamac Seed, Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur, Axmed Ugaas Faarax iyo Maxamed Shiikh Axmed ayaa waxay sheegeen in aan laga siinin Xukuumadda cusub ee Soomaaliya xilkii ay Beesha Habar-gidir u qalantay.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo saxaafadda la hadlay yaa sheegay in aysan Beesha Hagar-gidir ku fil ahayn xilka la siiyay oo ah Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay mudan tahay Beeshooda Wasaaradaha muhiimka ah ee ay ka midka yihiin Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Maaliyadda.

Salaadiintan waxay sheegeen in mas’uulka lagu soo daray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Beesha Habar-gidir ka soo jeeda uu yahay Nin Mas’uul ah oo aqoonyahan ah, isla markaana aysan diidaneyn xil qabashadiisa, balse waxa ay diidan yihiin ay tahay xilka aysan mudneyn ee laga siiyay Xukuumadda cusub.

Ugu dambeyntiina, Salaadiintan ka soo jeeda Beesha Habar-gidir ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho waxay si cad u sheegeen in aysan taageersaneyn Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde tan iyo inta wax laga qabanayo cabashadooda ku aadan in ay diidan yihiin xilka la siiyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia