Sabti, January 05, 2008(HOL): Guddiga Ammaanka Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta shir ka yeeshay xaaladda ammaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Injineer ka shaqeynayay Dhismaha Waddooyinka ay shalay si kas ah u dileen Ciidamada CID-da ee ku sugan Isgoyska KM4.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Nuur Galeyr ayaa sheegay in Guddiga Ammaanka uu guddoonsaday in aan laga harin ciddii ka dambeysay dilka Inj Xasan Sabriye Xasan oo ku howlanaa dhismaha Waddooyinka iyo Jardiinooyinka Muqdisho.
Cabaas Galeyr waxaa uu intaas ku daray in dabagal lagu hayo ciddii ka dambeysay dilka Injineerka, isla markaana haddii la soo heli sharciga la horgeyn doono, abaalkiisana la marin doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kalena, Cabaas Galeyr wuxuu sheegay in Guddiga Ammaanka uu sidoo kale ka hadlay Xaaladda Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in warbixinno laga dhegeystay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay caddeeyeen in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay xaaladda Muqdisho ahayd mid degan.
Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir oo uu guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shirarka uu yeesho wuxuu dib ugu eegaa Xaaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Muqdisho ka dhacaan iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia