Sabti, January 05, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo loo maleeyay in ay ka soo baxeen garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa saaka waxay howlgallo baaris ah ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo ay ka mid tahay Xaafadda Towfiiq.
Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay saaka waaberigii ku dheelmadeen xaafadda Towfiiq, isla markaana ay baaris bilaabeen markii ay dadka soo tooseen.
Dad yar oo ku haray Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa si weyn u cabsaday markii ay Ciidamadaas arkeen, waayo markii hore dadku wey iska ilaalin jireen, Ciidamadana waxay baaritaannada sameyn jireen subaxdii marka ay dadka soo toosaan kadib.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay intii ay howlgallada wadeen ay dhowr qofood ka kaxeysteen Xaafadda Towfiiq, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meeshii ay la aadeen.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo ku sugan agagaarka Miisaankii Dhuxusha ayaa saaka waxaa lagu weeraray qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso, kaasi oo aan la ogeyn khasaaraha Ciidamadaas ka soo gaaray sabab la xiriirta in ay deegaankaas mar hore ka barakaceen dadkii deganaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia