CABDI C/DULLE QUJUC: “Erayga 4.5 waa kan dib u dhigay Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed”

Sabti, January 05, 2008(HOL):  Siyaasiga Cabdi C/dulle Qujuc oo ka mid ahaa ka qeyb-galayaashii shirkii lagu soo dhisay Dowlada Federaalka ayaa sheegay in Sanadkan 2008 looga fadhiyo Dowlada Federaalka ay ku guuleysato wax yaabihii dib looga dhacay 3dii sano ee ay Dowladda jirtay.
 
C/dulle Qujuc waxaa uu sheegay Erayga 4.5 in uu yahay kan dib u dhigaya habsamo u socodka howlaha Dowlada Federaalka waxaana intaa ku daray laga soo bilaabo Dowladii lagu soo dhisay shirkii Carta ee dalka Jabuuti ilaa tan ku-meel gaar ah wax yaabaha ku hor gudban la oran karo waa arintan qabiliga ah ee sida hadalka uu u dhigay Soomaalidu caadeysatay in ay wax ku qeybsato.
 
Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Mas'uuliyiinta sar sare ee dowlada in ay Ogaadaan dhibaatada heysata Umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Dalka asalkeedu yahay mid qabiilku ka soo jeedo sidaa daraadeed aysan micno badan laheyn  in haddana kuraata baalmaanka lagu saleeyo.
 
waxaa kaloo uu sheegay in sababta ugu weyn ee uu uu R/iisal Wasaaruhu soo dhisi la yahay Xukuumadiisu tahay arinta beelaha oo ay adag tahay in wax loo qeybiyo, waayo ayuu yiri xukuumadii dhawantan uu soo dhisay wax ay la bur burtay waa beelihii oo sheegay in aysan helin saami ku filan.
 
Dhanka kale waxaa Farta ku fiiqay C/dulle Qujuc in arintan wax ku qeybisga Beelaha ay sameyn Mug leh ku yeelatay marka laga soo tago kuraasta  Xukuumada xitaa arintu saameysay qeybsiga Waaxaha iyo Dowlada oo lagu dhiso sida beeluhu  u kala Tun weyn yihiin.
 
"Waa in ay ogaadaan Mas'uuliyiita Sar sare ee Dowlada in dib logu Noqdo arinta dib u hishiisiinta waayo Soomaalidu waxaa ay u baahan tahay Dib u hishiisiin Siyaasadeed si markaa howlaha loo wada anba qaado ayuu Yiri C/dulle Qujuc oo sheegay in sidoo kale ay muhiim ahaa shirkii lagu soo gabo gabeeyay caasimada Muqdisho.
 
Sida ugu sahlan ee looga gudbi karo arinta Qabiilka ku saleysan ayuu ku sheegay Siyaasiga Qujuc in ay tahay Mas'uuliyiinta sar sare ee Dowlada oo soo hor dhigay Baalamaanka Muushin ku saabsan in laga xuroobo ku gor gortanka Qabiilka si la mid ah sidii Baarlamaanka loo horkeenay Qodobkii ahaa in xubnaha xukuumada laga soo qaadan karo gudaha iyo dibada Baarlamaanka.
 
"Lama Oga sida 18 Wasaradood ugu qanci karaan beelo ku qanci waayay ilaa 71 Wasaradood ayuu yiri C/dulle Qujuc oo sheegay in qabiilku yahay kan dhibkaa isaga ah keenay.
 
Ugu danbeytii waxaa ku booriyay Mas'uuliyiinta sar sare ee Dowlada in ay soo dadajiyaan arinta Dib u hishiisiinta oo ah Qodob Muhiim kana mid ah Tiirarka ugu waa weyn Tastuurka, waayo ayuu yiri waan tan kaliya ee horay u dhaqaajin karta habsami u socda howlaha Dowlada isaga oo ku bogaadiyay R/Iisal Wasaaraha erayga uu ka dhawaajiyay markii lagu dhawaaqay ee ah in uu wada hadal la furi doono kooxaha Mucaaradka ah ee dowlada ka soo horjeeda.
 
Sanadkan 2008 ayuu u rajeeyay Umadda Soomaaliyeed in ilaah ka dhigo mid ka saara Dhibaatada la soo maray sanadkii ka horeyay, Islamarkaana la helo Qaranimo Soomaaliyeed iyada oo laga gudbayo habka Qabaliga ah ee Soomaalidu ku saleysan tahay si markaa Aqoontu u shaqeyso.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia