Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo iyagoo gadoosan ka baxay Xeradii Guul-Wadayaasha ee Magaalada Muqdisho

Sabti, January 05, 2008(HOL):  Ciidamo Boolis ah oo tiradooda ka badan tahay 100 Askari ayaa iyagoo gadoodsan waxay maanta ka baxeen Xeradii Guul-wadayaasha ee Degmada Hodan.

Ciidamadan oo markoodii hore laga keenay Dugsiga Tababarka 20 Jirow ee Gobolka Bay ayaa waxay ka tirsanaayeen Ciidamada Birmadka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan jirin gurmad ay sameeyeen tan iyo markii halkaas lagu xareeyay marka laga reebo in iyaga weerarro lagu qaadi jiray.

Maxamed Hiraabe Caadle oo Ciidamadan gadooday ka mid ah ayaa wuxuu sheegay in ay gadoodka sameeyeen kadib markii ay u adkeysan waayay cadaalad darro ay ku sameeyeen Saraakiishii hoggaamineysay, wuxuuna sidoo kalena caddeeyay in iyagoo xuquuq la’aan ku joogay Xeradii Guul-wadayaasha hadana loogu sii daray in la dul-dejiyay Ciidamo kale oo laga keenay Xerooyin kale oo dalka ku yaala, kuwaasi oo uu sheegay in aysan qaarkood u qalmin in ay Ciidamo noqdaan.

“Ma jirin wax xuquuq ah oo aan halkaas ku heysanay, qofkii naga dhaawacma waxaa daaweysta Dadkiisa, Qofkii naga dhintana Reerkiisa ayaa duugta, sidaas darteed waxaan go’aansannay in aan isaga soo baxno Xeradaas oo aan u aragnay in ay tahay mid aanan xuquuq ku heysan”ayuu yiri Maxamed Hiraabe Caadle.

Ciidamadan ka soo gadooday Xeradii Guul-wadayaasha ayaa haatan waxay fariisin ka sameysteen Xeradii Gaadiidka Booliska, waxayna sheegeen in ay halkaas ku sugayaan Saraakiisha sare ee Taliska ay ka tirsan yihiin.

Ma ahan Ciidamadii ugu horeeyay oo xuquuq la’aan ka cabta, isla markaana gadood sameeya, dhawaan ayayna ahayd markii Ciidamo ka tirsan Taliska Mileteriga oo ku jiray Xaruntii Villa Baydhabo ay iyana gadood sameeyeen, iyagoo ku doodayay in uu takoor ku sameeyay Sarkaal ka tirsan Taliska Mileteriga oo lagu magacaabo Saalax Liif.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia