Talaado, January 29, 2008(HOL): Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay bilowday inay Shaqaalaheeda kala baxdo dalka Soomaaliya iyadoo tallaabadaasina la sheegay in ay qaadatay kadib markii shalay dhaqaatiir u shaqeyneysay lagu dilay magaalada Kismaayo.
11 xubnood oo isugu jiray Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyayaal caafimaad oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain ayaa maanta waxay ka baxeen magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay amar ka heleen madaxdooda sare.
Howlihii ay Hay’adda MSF-Spain ka heysay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sii wadaya Shaqaalaha Soomaalida ah ee ay Hay’adda leedahay, waa sida ay ku warameen Dhaqaatiirtan markii ay maanta ka dhoofayeen Garoonka Jowhar.
Hay’addan ayaa waxaa adeegyo caafimaad ka heli jiray Dad badan oo uga imaan jiray Gobollada la deriska ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo kala ah Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana bixintaankooda uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Isbitaalka Jowhar ku jiraan bukaanno ay daweynayeen dhaqaatiirta maanta baxday.
Hay’adda MSF-Spain oo muddo 10 sano ah ka shaqeyneysay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa la soo deristay xaalad soo soco sii soco ah, taasi oo ay salka ku heysa arrimaha ammaanka dalka Soomaaliya oo aan hagaagsaneyn, isla markaana marka cabaar la joogaba saameyn ku yeesha Hay’adaha Samafalka.
Dhanka kalena, warar naga soo gaaray Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay iyana halkaas ka baxayaan Dhaqaatiir u shaqeyneysay Hay’adda MSF-Belgium, kuwaasi oo iyana helay amar ah in ay dalka Soomaaliya ka baxaan.
Hay’adda MSF-Belgium ayaa waxay gacanta ku heysay Isbitaalka Istarliin ee Degamada Guriceel iyo weliba Xarun Bukaan-socod-eegto ah oo ku taala Degmada Dhuusa-mareeb, waxaana sidoo kale bixitaankooda ka xumaaday dad daweyn ka heli jiray.
Dad badan oo aad uga xumaaday bixitaanka Shaqaalaha Hay’adda MSF faracyadeeda kala duwan ayaa waxay cambaareeyeen Dadkii ka dambeeyay Miino shalay lagu qarxiyay Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda MSF-Holland, kuwaasi oo ka howlgelayay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo haatan ay jiifaan Bukaano ay daweynayeen Dhaqaatiirta geeriyootay
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia