Talaado, January 29, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee xaruntiisa dhexe ay tahay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa cambaareeyay Dadkii ka dambeeyay qarax shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo lagu dilay afar ruux oo isugu jiray labo dhaqtar oo u shaqeyneysay Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF-Holland iyo labo ruux oo kale oo kala ahaa Wariye Xasan Kaafi Xareed iyo Darawal u shaqeynayay Hay’addaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bidhaan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbahaysiga ayaa lagu sheegay in falka lagu dilay dhaqaatiirtaas iyo dadka kale ee Soomaalida ah ay ka dambeeyeen Itoobiya iyo Daba-dhilifka u adeega waa sida warsaxaafadeedka ku xusane.
“Waxaa wax laga xumaado ah in ay beesha caalamka indhaha ka qabsato iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee la dilayo, la barakiciyayo, la dhacayo, lana cunaqabateynayo”ayaa lagu yiri Warsaxaafadedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu yiri “Siyaasadda Isbahaysiga waxay ku qotontaa in gacan la siiyo hawlwadeennada iyo inta ku hawlan adeegga bulshada ee dhinacyada badan,
sidaas darteed Isbahaysigu wuxuu cambaareynayaa fal dembiyeed kasta oo lala beegsado Hay’adaha Samafalka ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya”.
Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd qarax miino oo loo dhigay lagu dilay Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF-Holland, iyadoo ka sii horna af-duub loo geystay Hay’adda MSF-Spain, inkastoo aakhirkii la sii daayay howl-wadeennadaas caafimaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia