Talaado, January 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu saaka halkaas ka dhacay banaanbax ay dhigeen shacabka ku dhaqan magaaladas, kuwaasi oo banaanbaxooda ku cambaareynayay qaraxii shalay lagu dilay Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Holand iyo weliba labo ruux oo kale oo ahaa Darawalkii Dhaqaatiirtaas iyo Wariye ka tirsanaa Wariyayaasha Magaalada Kismaayo.
Dadkani banaanbaxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dadkii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxayna dalbanayeen in gacanta lagu soo dhigo dadkii falkaas ka dambeeyay oo sharciga la hor-keeno.
Dhaqaatiirta shalay lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa waxay gacanta ku hayeen Isbitaalka weyn ee Magaaladaas, waxayna daweyn u sameynayeen dad laga quustay in lagu daweeyo Isbitaalka Kismaayo, kuwaasi oo qalliino culus u baahnaa.
Dhanka kalena, Cali Baashi C/llaahi Cigaal oo ah Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Faanoole oo xarunteedu tahay magaalada Kimaayo ayaa si kulul u cambaareeyay ciddii ka dambeysay qaraxii shalay ka dhacay Magaaladaas, wuxuuna sheegay in qaraxaas oo lala beegsaday Dhaqaatiir ka tirsan Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Holand uu ahaa mid waxashnimo ah oo ka dhan ah baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Shareecada Islaamka iyo weliba Xeerka Soomaalida ee soo-jireenka ah.
Cali Baashi C/llaahi Cigaal waxaa uu baaq u diray Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo uu ka codsaday inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii qaraxaas ka dambeeyay, isagoo uga digay in ay soo qabtaan dad aan waxba galabsan.
Dadka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga xumaaday qaraxa lagu dilay Dhaqaatiirtii ka howlgeleysay Isbitaalka Kismaayo oo haatan la qorsheynayay in dib loo howlgeliyo qeybihiisa kala duwan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay haatan shaqeynayeen qeybaha dhaawacyada, Jabka iyo Qalliinka.
Ugu dambeyntiina, dhawaan ayay ahayd markii Howl-wadeenno Caasimaad oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso, inkastoo aakhirkii lagu guuleystay in gacanta af-duubayaasha laga sii daayo Dr. Marcedez Garcia iyo Kalkaaliso Pillar oo ka howlgelayay Xarun lagu quudiyo Caruurta ay nafaqo-darrada heyso oo ku taala bariga Magaalada Boosaaso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia