Talaado, January 29, 2008(HOL): Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Ciidamo Mileteri ah oo ku sugnaa Bar Koontarool oo taala halka laga soo galo Deegaanka Leego marka Muqdisho loo socdo ayaa maanta dagaalamay, iyadoo la soo sheegayo in ay khasaare isu geysteen.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu salka ku hayo gacan ku heynta bar koontarool oo ku taala Deegaanka Leego, taasi oo gaadiidka halkaas isticmaala looga qaado lacag aan sharciyeysneyn.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamadan Booliska ah iyo kuwa Mileteriga ay ku dagaalameen Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkaas salka ku hayay gacan ku heynta bar koontarool oo ay Ciidamada Mileteriga lacag ku qaadayeen.
Ciidamadan Booliska ah ee ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dagaallada ay ku jiraan waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u eegeyso maamulka Gobolka, isla markaana aysan jirin wax ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabatay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Marka ayaa wuxuu sheegay in intii ay maamulka hayeen ay iyaga isku tashanayeen, isla markaana aaney jirin kaalmo ay ka heleen dowladda dhexe haddii ay ahaan lahayd in xitaa labis, mushaaraad iyo tababarro la siiyo Ciidamada uu maamulka leeyahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Deegaanka Balli-Doogle ay weerar ku qaadeen Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo muddo kooban ka talinayeen Xero ay degan yihiin Ciidamo Mileteri ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia