
Talaado, January 29, 2008(HOL): Inkastoo Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ay tiradoodu sii kordhayso sanadba sanadka ka danbeeya, haddana codkooda lama maqalo. Jaaliyadda oo intooda badan soo gashay dalka Australia horaantii sanadakii 2000 (labada kulan), ayaa waxaa ay noqdeen kuwo awood balaaran leh kuwaasi oo awooddooda laga dareemay dhamaan qaybaha kala ee dalka Australia.
Sida Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamo badan oo reer galbeed ah, ayaa quraba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia ay kala qayb-qaybsan tahay, wadatashigooduna uu yahay mid aad u yar.
“Soomaalida qurbaha joogta ee labada milyan lagu qiyaasay waxay saameyn weyn ku yeelan karaan nabad ku soo dabaalidda dalkooda hooyo, iyagoo isticmaalaya awooddooda xagga dhaqaalaha iyo midda bulshada” sidaas waxaa yiri Jabriil Cabdulle, oo agaasime ka ah hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashuga (CRD).
Isagoo Maalintii Axadda ahayd la hadlayay hoggaamiyayaasha, waxgaradka, saaxibadda dadka Soomaaliyeed ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Victoria ee dalka Australia ayuu Jabriil sheegay in Soomaalida qurbuhu ay door muhim ah ka qaataan geedi socodka Nabadda iyo isku soo soo dhawaanshaha dadka Soomaaliyed, laakiin loo baahan yahay dadaal midaysan si saamayn aayo leh loo yeesho.
“Waa markii ugu hooreysay oo ay Somalida ku dhaqan dalka Australia ay meel isugu yimaadaan iyagoo ku mideysan fakar qura” sidaas waxaa yiri A/llahi Haji oo ka mida dadka ka soo qayb-galay kulankaas. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu ku daray, “sharafta dadkeena iyo dalkeena waxaa ay ku jirtaa in aan anagu midoowno, si aan anagana isku caawino, dadka Soomaaliyeedna guduha dalka ku jirtaana aan u caawino”.
Shirkaan oo ah mid si weyn jaaliyadu u soo dhaweeysay, waxaa uu yadi-diilo galiyay iyo shacuur aan looga baran dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia dhaaman dadka ka soo qayb-galay. Shirkaan oo ahaa mid “town hall” meeting ah loogana hadlay sidii jaaliyadu u lahaan lahayd cod-mideysan, loogana gudbi-lahaa is qab-qabsiga ku salaysan qabiilka.
‘Ka qayb-galka nolosha dalka Australia’
Dhibaatooyin aad u culculus ayaa haya jaaliyada ku dhaqan dalka Australia, kuwaas oo isugu jira saboolnimo, caruurta oo aan ku fiicneeyn dugsiyadda ama meelaha aqoonta lagu barto,, carrur badan oo xabsiyadda dalka loo taxaabay, aqoon la’aan baahsan oo la xiirta nolosha.
Jaaliyadda waxaa ay dadaal ugu jirtaa sidii ay wax uga badali lahayn sawirkaaas, kaasna waxaa uu ku imaan karaa wadatashi, is-walaaleysi ku saleeysan Soomaalinimo.
“Inkastoo jaaliyaddu dhib badan soo martay hadana waxaa muuqata korriinsho iyo dulqaad, Sidaas waxaa yiri, Yusuf Shiekh Omar, oo loo yaqaan Yususf Alkoweyn, Yusuf waxaa uu hadalkiisa ku daray “Jaamacaddaha waxaa hadda soo galaya arday Soomaali ah oo u bisil aqoonta, waxaa muuqato doorka haweenka oo isna gaaray in ay isku soo dhaweeyaan dadka Soomaaliyeed, “isu dhawaansho guud ayaa jirta”ayuuna yiri.
Yusuf waxaa uu intaas raaciyay ‘”dadka Soomaaliyeed ma aha dad xun, laakiin waa dad dhib ka weyn ku habsatay, kana bixi doonto haddii Alle yiraahdo”.
‘Doorka Siyaasadda’
Doorka Siyaassada oo ee Soomaalida ayaa ah mid aad u liita marka loo fiiriyo, wadamada kale oo ay Soomaalida ku nooshahay. Ciise Faarax Dhoolawaa, oo ka mid dadk ugu fir-fircoon Soomaalida ku nool magaalda Melbourne, isla markaana soo saaro barnaamijyo ka baxa idaacada Codka Australia, ayaa yiri isaga oo ka hadlaya maqnaashaha dadka Soomaaliyeed ee dhanka siyaasada, “ Si aan wax ugu tarno dadlkeena Soomaaliya iyo dalkeena labaad ee na soo dhaweeyay, waxaa lama huraan ah in aan qayb-ka- qaadano hoowlada ama dhaq-dhaqaqyadda ka socda dalkan”
‘Barakaca Aqoonyahanka’
“ Inta badan dadkii aqoonta lahaa weey isaga huleeleen dalka—walina waa isaga sii socdaan xasaradaha aan dhamaanayn aawgood”ayuu yiri Jabriil. Oo sheegay in isbeddel weyn uu ku dhacay buslahda wixii ka dambeeyey dagaalladii 1991.
“Sidaas awgeed ayaan u aaminsanahay inuu xiriir toos ah ka dhaxeeyo xasaradaha jira iyo barakaca aqoonyahanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jibriil oo carrabka ku dhuftay in dadkii wax ka qaban lahaa dhibaatada Soomaaliya noqdeen kuwo barkacay ama kuwo la dilay, “taasina waa wax aad looga naxo” ayuuna yiri.
Jabriil Ibraahim Cabdulle madaxa hay’adda CRD waa uu sii hadlay waxaa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa ay dadaaleen, isla markaana ay dib u soo celiyeen adeegyo badan oo ay u baahnaayeen Bulshada Soomaalieed, “Iyadoo uu sidaas xaalku yahay ayay haddana Soomaalida qurbuhu dhiseen Jaamacado, Isbitaallo iyo shirkado isgaarsiin ah oo waa weyn, taasina waa mid lagu farxo oo muujineysa in dadka Soomaaliyeed ay weli muujinayaan dadaal iyo in ay dib u soo ceshadaan adeegyadii aas-aasiga u ahaa nolosha Bani’aadamka.
‘Wada shaqayn la’aan’
Dhibaatooyinka waa weyn ee haya dadka Soomaaliiyeed ayaa waxaa ka mid wada shaqayn la’aan dhanka horumarka ah oo ka dhex jirta Jaaliyadaha dibadda dhexdooda iyo iyaga iyo Hay’adaha Caalamiga ah.
“Waxaa lama huraan ah in aan is-kaalmeysano, isla markaana aanu isku soo dhawaanno Far kaligeed Fool (Weji) ma dhaqdo; Sidaas waxaa yiri, Ali Haji oo ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay kulankaas.
Midnimo la'aanta Jaaliyadaha
Waxaa muuqata in daruufaha Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ay sii cakirayeen, cuqdooyin iyo dareen xumo ku kala dhex jirta shacabka Soomaaliyeed awgii. Waxaa magaalada Melbourne kaliya ka jira in ka badan 54 urur oo dhamaantood ku salaysan qabiil. Kala qayb-sanaantaana waxaa ay keentay in dowlada Australia ay ka gaabsato in ay la shaqeeyso Soomaalida, gaar ahaan arimaha ku saabsan dalka Soomaaliya, ha noqoto caawin siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba.
“Waxaa lama huraan ahna in aan is cafino, wax wada-qabsano, dadkuna ay isku soo dhawaadaan, haddii taa ayan dhicinna, waxaanu shaki ku jirin in anaan horumar la sameeyn karin” Sidaas waxaa yiri, A/rahman Haji “Faroole” oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Melbourne.
Dhawaan waxaa dalka Australia la doortay Ra’iisal l Wasaare cusub, kaaso xiriir la leh qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ku jira Wasiiro laga soo doorto deegaannada Soomaalida ku nooshahay. Sidaas darteed ayay ka qeybgalayaashii shirkan soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in laga faa’iideysto fursaddaas, iyadoo taasina la xusay in ay ku imaan karto iyadoo la helo isku duubni Soomaaliyeed, hoggaan cusub iyo aragti mid ah oo laga helo Soomaalida guud ahaan haddii ay ahaan lahaayeen Soomaalida Australia iyo kuwa dalka gudahiisa ku sugan iyo weliba.
Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga ee CRD ayaa waxaa uu ka mid yahay barnaamijyo taxane ah oo ay xaruntu ku baraarujinayso dadka qurba jooga ah, iyadoo shirar noocaan oo kale horay ugu soo qabatay Europe, America, Canada, Africa iyo Bariga Dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in qabashadii shirka ka dhacay Australia ay gacan ka geysteen ganacsato Soomaaliyeed oo ku xoogsada Dalka Australia.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia