Jimco, January 25, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in ay saaka aroortii weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Deegaanka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur)
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in ay halkaas ku burburiyeen Labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen Ciidamadii ay weerareen, wuxuuna sheegay in hub, dawo iyo rasaas ay lahaayeen Ciidamadaasna ay la wareegeen sida uu u yiri Mujaahidiinta.
“Mujaahidiinta wax xagtin ah ma soo gaarin, si dhib la’aan ah ayayna ula wareegeen xeradaas, kuwii halkaas joogayna waxay noqdeen kuwo cararay, kuwo yiri aqoon ayaan leeyahay ee aqoonteena ka faa’iideysta iyo kuwo Masjid meesha ku yaala galay oo Tasbiixsi bilaabay, waana iska deynay” ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in raashin yaalay Xerada ay weerareen ay u fasaxeen in ay qaataan dad deegaanka ah.
Dhinaca Dowladda Federaalka waxaa weerarkan u xaqiijiyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada MuqdishoTaliye ku xigeenka Ciidamada Degmada Wanla-weyn oo lagu magacaabo Ciise Macallin Yasir, kaasi oo sheegay in la xaqiijiyay dhimashada askari ka tirsan Ciidamadii joogay Balli-doogle, 6 askari oo dhaawac ah iyo Gaari uu lahaa Taliyaha Ciidamada Balli-Doogle G/lle sare Cusmaan Nuur oo la gubay, isagoo intaasna ku sii daray in dhinacii weerarka ku soo qaaday ay gubeen Shidaal xeradaas yaalay oo ay isticmaalayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu qaado Xero ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga qaato hub, rasaas iyo weliba dawadii ay Ciidamada isticmaalayeen, marka laga reebo weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah oo xiliyada habeenkii lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay Ciidamadooda ka dambeeyeen Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Kala-Beyr ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in uu halkaas uga dhintay Hal Askari mid kalena uu uga dhaawacmay, isagoo intaas ku sii daray in ay dhibaato gaarsiiyeen dhinacyadii dagaalka kala soo horjeeday.
Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) waxaa uu gaashaanka ku dhuftay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), kaasi oo ahaa in Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Kala-Beyr laga soo abaabulay Gobolka Galgaduud, wuxuuna Abuu Mansuur sheegay in dagaalkaas ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamadooda iyo Ciidamada Itoobiya ee Gobolkaas ku sugan, “Yuusuf Daba-geed waxaan leenahay arrinta Qabiil ha u rogin, waxa ku weeraray waxay ahaayeen Ciidamadeena, weyna ku weerari doonaan”ayuuna yiri Abuu Mansuur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia