Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay Sicir bararka ka jira Soomaaliya iyo sida loo maareyn karo

Jimco, January 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise ayaa ka hadlay sicir bararka ka taagan Soomaaliya ee saameynta baaxadda leh ku yeeshay dadka aan dhaqaalaha heysan ee nolol maalmeedka la dagaalama, wuxuuna sheegay in sicir bararkaas uu yahay mid aad looga xumaado oo nolosha dadka sii adkeynaya.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in sicir bararka uu keenay lacago been abuur ah oo ay ganacsato Soomaaliyeed soo daabacdeen, wuxuuna farta ku fiiqay in markii ugu horeysay ay daabacaadda lacagtaas ka timid Gobollada Puntland, kadibna Gobollada Dhexe ugu dambeyntiina Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ka hadlay guddoomiyaha Bangiga Dhexe sida lagu maareyn karo sicir bararka, wuxuuna sheegay in haddii ay iskaashadaan Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay aragtidooda mideeyaan wax laga qaban karo sicir bararka jira.

“Haddii shacabka ay aragtidooda mideeyaan oo ay diidaan in qof soo daabacday lacag been abuur ah uu yiraahdo wax baan idinkaga iibsanayaa”ayuu yiri Bashiir Ciise Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe waxaa kale oo uu sheegay tallaabo kale oo lagu xakameyn karo lacagaha sicir bararka keenay ee been abuurka ah, wuxuuna tallaabooyinkaas ku tilmaamay in ay yihiin iyadoo dadka la wacyigeliyo, isla markaana la howlgeliyo Ciidamada si ay gacanta ugu dhigaan dadka keensada lacagta been abuurka ah.

Ugu dambeyntiina, hadalka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu sare u sii kacayo sicir barar ka dhashay lacago been abuur ah oo ay sameysteen ganacsato keensatay Makiinado acagta lagu daabaco.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia