Xiisad Colaadeed oo dib uga soo cusboonaatay Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

 Jimco, January 25, 2008(HOL): Waxaa dib u soo cusboonaatay Xiisad colaadeed oo in muddo ah u dhaxeysay Beelo wada dega Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,waxaana lagu soo waramayaa in iska hor-imaadkii u dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray ay labo ruux ku geeriyoodeen.

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxay yihiin labo Ruux oo ay labada Beelood si aar-goosi ah isaga dileen, iyadoo colaadda labadan beelood u dhaxeysana ay salka ku heyso Aano-Qabiil.

Iska hor-imaad kale oo dhexmaray maleeshiyooyin u kala daacad ah labadan Beelood oo dhacay todobaadkii ugu horeeyay ee bishan Janaayo ayaa waxaa uu sababay dhimashada shan ruux iyo dhaawac soo gaaray seddex ruux oo kale, kuwaasi oo ahaa dad xoolo-dhaqato ah.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii shir ka dhacay Deegaanka Moqo-kori ee Gobolka Hiiraan ay isugu yimaadeen Odayaasha labada Beelood ee colaadda u dhaxeyso, iyadoo shirkaasina ay shir guddoominayeen Imaamka Beelaha Abgaal Imaam Maxamuud Imaam iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Shirka ay labada Beelood isugu yimaadeen oo ku soo dhamaaday jawi is-afgarad leh ayaa go’aannadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in qofkii qof dila isna la dilo, wixii labada beelood ka dhex dhacana lagu xaliyo Shareecada Islamaka, hayeeshee waxaad mooddaa in uu heshiiskaas buray, isla markaana ay mar kale dib u soo cusboonaatay colaaddii u dhaxeysay Beelaha wada dega Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba Arrintu ahaatee, Duubabka labada Beelood ee kala ah Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa labada beeloodba waxay ugu baaqeen in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay colaadda u dhaxeysa ku bedelaan nabad iyo derisnimo-wanaag.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia