MAXAMED XASAN XAAD: “Waxaan aaminsanahay in Dagaalka mudada sanadka ka badan Muqdisho ka socday ee dhibaatada badan geystay uu mas’uul ka yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf”

Jimco, January 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu ka dambeeyo dagaallada mudada sanadka ka badan ka dhacaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaan aaminsanahay in Dagaalka mudada sanadka ka badan Muqdisho  ka socday ee dhibaatada badan geystay uu mas’uul ka yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo u waramyay Idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas ku daray in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu yahay nin dagaal ku nool ah oo ay xaaran tahay in ay dhinaciisa soo maraan wax nabad la yiraahdo waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna taasi ku sababeeyay in Afhayeenno u hadlay ay sheegeen in aysan wax wada hadal ah la geleynin dadka dagaallada kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Maxamed Xasan Xaad waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo ahaa in ay la hadlayaan dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda, wuxuuna sheegay Xaad in ay hadalkaas soo dhaweynayaan hayeeshee loo baahan yahay in aysan waxa hadal kaliya ku ekaanin oo ficil lagu daro.

“Hadal qurux badan oo la sheegaa Umaddan wax ay u tarayaan ma jiraan, waxaana loo baahan yahay in Ra’iisal Wasaaraha uu hadalkiisa ficil u bedelo oo wada hadal iyo dib u heshiisiin dhab ah la dhex dhigo dhinacyada isku haya Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Ugu dambeyntiina Maxamed Xasan Xaad waxaa wax laga weydiiyay nooca mucaarad ee ay yihiin, wuxuuna sheegay in ay mucaaradnimadooda tahay in la soo celiyo madax bannaanidii, sharaftii iyo Nabaddii ay dadka Soomaaliyeed heysteen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaan wax kasta oo Soomaaliya dhibaatadeeda lagu xalinayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia