Jimco, January 25, 2008(HOL): Xeebaha Dalka Yemen ayaa mar kale laga soo sheegayaa inay ku dhinteen dad kale oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo dhintay kadib markii ay qaarkood la rogmadeen Doomihii ay la socdeen, halka kuwo kalena lagu daadiyay meel aan u dhaweyn Xeebta, sidaasna ay ku hafteen.
Doontii u dambeysay oo waday Dad Tahriibayaal ah oo ka tegay Soomaaliya ayaa waxay Xeebaha Yemen gaartay Shalay subaxnimadii, waxayna Dadkii waday Doontaas ay ku amreen Tahriibayaashii saarnaa oo badankood aan aqoonin dabaasha in ay ku degaan meel xeebta u jirta ku dhawaad 2km.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Magaalada Cadan ayaa isagoo jooga Magaalada Sanca ee Dalka Yemen wuxuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in dadka ku dhintay Doontii u dambeysay ay tiradooda dhan tahay 20 ruux, halka la la’ yahay 15 ruux, 45 ruux oo kalena ay badbaadeen.
Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu intaas ku daray in dhimashada muddo todobaad ah ay gaareyso 135 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, wuxuuna xusay in Doon dhawaan ku rogmatay Xeebta Gobolka Abyan ee Yemen laga soo hoos bixiyay Meydad tiro badan oo qaarkood ay ahaayeen haween Uur leh oo weliba bilo dhameystay.
“Dhalinyaradan waaba la gartay ha tahriibaanee maxaa soo waday Dumarkan Uurka leh ee weliba Bilahoodii Uurka dhameystay”ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed oo intaas ku sii daray in intii ay Doonta soo socotay Badda lagu tuuray Shan Caruur ah oo dhexda harraad ugu soo dhintay, kuwaasi oo da’dooda ay u dhaxeysay 2 ilaa 10 sano.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiray kuwo ka cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo kuwo kale oo nolol doon ah ayaa waxay ku dhintaan Badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen, iyadoo mar kasta la soo sheego Doomo ay Dad Soomaali ah saarnaayeen oo rogmaday, iyo kuwo Dadkii saarnaa qasab looga daadiyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan Tahriibkii waa uu sii socdaa, waxaadna mooddaa in aysan Soomaalida ku waano-qaadaneynin dadka ku dhamaanaya Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan tahay in Doomaha la raaco ay yihiin kuwo aan tayo wanaagsan lahayn oo aad u duuboobay, isla markaana aan loogu talagelin inay ku socdaalaan Bad-weynta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia