Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo London kula kulmay Wasiirka Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika

Talaado, January 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kadib markii uu ka baxay Isbitaalkii uu ku jiray waxaa uu xalay  kulan la qaatay Wasiirka Dowladda Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Asia Lord Malloch Brown.

Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Afrika iyo Asia ee Britain ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo gargaarka Bani’aadannimada iyo weliba is-bedelka lagu sameeyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Xildhibaan C/rashiid Aadan Seed oo kulankaas goob-joog ka ahaa ayaa sheegay in madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii ay Dowladda Britain uga qeyb-qaadan lahayd dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu Wasiirka caddeeyay inay Dowladdiisa diyaar u tahay kaalmeynta Soomaaliya.

Xildhibaan C/rashiid Seed waxaa uu intaas ku daray in uu Lord Malloch Brown si weyn u soo dhaweeyay Xukuumadda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu ku farxay in Xubnaha Xukuumadda ay kala bar macal Ra’iisal wasaaraha ay ka yimaadeen Dibadda Baarlamaanka, halka barka kalena laga qaatay Gudaha Baarlamaanka.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in ay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo ku saabsan sidii Ciidamo Shisheeye oo caalami ah loo geyn lahaa Soomaaliya, iyadoo Wasiir Lord Malloch Brown uu sheegay in ay Dowladdiisa arrintaas dadaal u geli doonto oo markaasina ay la kaashan doonto Dalalka  Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay

Ugu dambeyntiina, Kulanka dhexmaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Asia Mr. Lord Malloch Brown ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu madaxweyne Yuusuf ka baxay Isbitaal looga daweeyay xanuun Qaar-jeex ah oo hayay sida uu Madaxweynuhuba dhawaan sheegay mar uu la hadlayay TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal ee Xaruntiisu tahay Magaalada London.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia