Wafdigii Madaxweynaha Somaliland oo Dib ugu soo laabtay Hargeysa, kana waramay wixii ay la kulmeen

Dahir Riyale
President Dahir Riyale Kahin of  Somaliland with Assistant Secretary of State for African Affairs  Jendayi Frazer
Talaado, January 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayay oo muddo saddex usbuuc gaadhaysa socdaal ugu maqnaa dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Itoobiya, ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Egal International Airport. Waxaana halkaa ku soo dhaweeyey Madax iyo Masuul ka tirsan Dawladda iyo Axsaabta oo uu hor kacayay Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweynuhu markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha, waxa uu Aqalka Madaxtooyada kula hadlay Saxaafadda. Waxaanu ka war bixiyay socdaalkiisii iyo waxyaabihii uu kala kulmay. 

'Waxaan u malaynayaa ducadiinii (Saxaafadda iyo War-fidiyeenada) maalintaan idin lahaa ducadiina igu soo dara waa la aqbalay , bal in ducadiinan la aqbalayna ku darsada horta. Markaan idiin waramo waa inakii halkan ka baqoolay aniga iyo Wasiiradii , Safarkaygana waxaanu ka bilownay Ingiriiska, halkaasi oo aanu kula kulanay Wasiirul dawlaha Arrimaha Afrika oo nin cusub ah run ahaantii , si fiican ayuu noo soo dhaweeyay ninkaa odayga ahi, waxaanuna ka wada hadalnay qaddiyadeena oo isugu jirta haday taanu mar kasti ka hadalo oo ah aqoonsiga iyo sida ay wax inoogu qaban lahaayeen Ingiriisku iyo haddii ay tahay xaga horumarinta wixii uu Ingiriisku inagala qaban lahaa. Waxaad maqasheen Baarlamaanka qoladii inoo ololayn jirtay ee halkan timid oo uu madax u yahay Xildhibaan Allen Michal, in ay si fiican inoogu soo dhaweeyeen oo subaxiiyoo dhan shir baanu lahayn , anagoo la shiraynay xisbiyada kala duwan ee Ingiriiska oo halkaasi aanu shir kula yeelanay. Run ahaantiina aanu kala hadalnay qaddiyadeena sidii aanu ugu qancin lahayn iyo sidii ay u sii wadi lahaayeen dedaalka ay ugu jiraan inay qaddiyadeena mar kastaba taageeraan’’ Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, oo ka waramayay ujeedadii socdaalkiisa iyo wixii ay ka wada hadleen ciddii ay la kulmeen.

M/weyne Rayaale waxa kale oo uu ka waramay socdaalkii ay isaga iyo Weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka. ’Maraykanka ayaanu ka dib ugu baxnay marti qaad dadbanna waanu ka haysanay, weli laynama aqoonsan , laakiin run ahaantii waxaan idiin sheegayaa in si fiican laynoo soo dhaweeyay, si VIP ah laynoogu soo dhaweeyay oo Air port-ka laynaga qaaday. Dawladda Maraykankan xafiisyadeedii ugu muhiimsanaana shirar baanu la yeelanay, hadday tahay State Departmentka (Wasaarada Arrimaha Dibada), haddii ay tahay Congress-ka oo guddi hoosaadka Afrika ah, haddii ay tahay USAID oo xagga horumarka qaabilsan, haddii ay tahay Pategonka (Wasaarada Gaashaandhiga) iyo ragg kale oo Madaxweynaha kala taliya Arrimaha Afrika, intaba kulamo ayaanu la yeelanay’’. Ayuu yiri Madaxweyne Rayaale. Waxaanu intaa ku daray oo uu yir, “Haddii aan idiin soo ururiyo kulamadaasi waxaan u arkayay kulmao runtii dad raba inay wax inala qabtaan, una baahan in aanu anaga qudhayada iska warano aanu la qaadanay. Waxaanu isleenahay fariintiinii waad gaadhsiiseen, si fiicana way u qaateen dawladda Maraykanku….Waxaan idiinku soo ururinayaa inuu safarkaasi guul ku soo dhamaaday oo uu si wanaagsana inoogu dhacay, bilow wanaagsan uu bilowday anaga iyo Maraykanka xidhiidhkeena inuu yahay , waxaanan rajaynayaa mustaqbalka inay waxyaabo wanaagsan oo badan ka soo bixi doonaan , anaguna waxaanu isleenahay Somalilandna si fiican baad u iibiseen, fariinteeniina waad gaadhsiiseen oo Maraykankuna inagama war la’a , sida aanu halkan ugu haysano maahee warkeena way hayaan, wixii u dhinaa ee uu mugdi kaga jirayna inaanu u buuxinay ayaan filayaa , xidhiidhkeenuna halkaasi kuma eekaanayo Insha Allaahu mid sii socda ayuu noqon doonaa’”

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay Xaalka Jaaliyaddaha Somaliland ee dalalka Maraykan iyo Ingiriis, oo aad ugu dheeraaday kaalintii ay ka qaateen socdaalkiisa.

Socodkan Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay, Wasiirrada, Arrimaha Dibada, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cadaaladda Axmed Xasan Cali (Casoowe), Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Axmed Maxamed iyo sidoo kale Marwada Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynuhu, ayaa lagu sheegay in ka hor intii aan Weftiga Madaxweynuhu ka soo amba-bixin Magaalada Addis-Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, inuu kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalkaa Meles Zenawi.  Kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha labada dhinac.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland