Lacag been abuur ah oo la geeyay Magaalada Kismaayo iyo maamulka Magaaladaas oo ku dhawaaqay Tallaabooyin looga hortegayo

Talaado, January 22, 2008(HOL): Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gaartay lacag been abuur ah oo lagu daabaco Makiinado yaala gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay si weyn u walaacisay Dadka ku dhaqan magaaladaas.

Lacagahan ayaa la sheegay in ay soo sameysteen ganacsato Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka soo jeedaan Magaalada Kismaayo, waxaana maalmahan lagu arkayay magaalada Kismaayo oo markii horeba la ciir-ciireysay sicir barar ay la wadaagto magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya.

Haddaba markii lacagtaas la soo daabacay lagu arkay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa tallaabooyin lacagtaas lagu hakinayo ku dhaqaaqay maamulka ka arimiya Magaaladaas, kaasi oo sheegay in ciddii lacagtaas lagu arkayo kala bar canshuur ahaan loogala wareegayo.

Yaasiin Nuur Gaas oo ah Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Sade ee Magaalada Kismaayo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in ciddii lagu helo iyadoo wadata Boqol Kun oo Shillin Soomaali ah oo lacagta cusub ah, lagala wareegayo Konton Kun canshuur ahaan looga qaadayo, wuxuuna taasi ku macneeyay in looga hortegayo lacagta been abuurka ah ee soo gashay magaalada Kismaayo.

Sicirka bararka ay keentay lacagtan been  abuurka ah ee lagu arkay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Magaaladaas, iyadoo maanta qiimaha Boqolkii Doollar uu marayay 2,350,000 (Labo Milyan Seddex Boqol iyo Konton Kun Shillin Soomaali ah), waxayna taasi ku abuurtay dadka ku dhaqan Kismaayo, gaar ahaan kuwa danta-yar wel wel dhinaca noloshooda ah bacdamaa haddii uu sare u sii kaco Doollarka uu Raashinkana daba socdo oo uu isna sii kacayo.

Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Soomaaliya sida Muqdisho, Beledweyne, Gaalkacyo, Garowe, Boosaaso iyo Baydhabo ayaa iyana waxaa ka jira  sicir barar aad u daran, kaasi oo sidoo kale salka ku haya Lacagta lagu daabaco Gudaha Dalka Soomaaliya ee Shillin Soomaaliga ah, taasi oo aan ilaa iyo haatan loo jeedin cid wax ka qabaneysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia