Talaado, January 22, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay maxkamadihii Islaamka ayaa ka hadlay tacaddiyada lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay mas’uulkan in ay aad uga xun yihiin in la dhibaateeyo Saxafiyiinta oo howl muhiim ah shacabka u haya.
Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo Maxkamdihii Islaamka u qaabilsanaa dhinaca Warfaafinta ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin dhibaatada ay ku dhex shaqeynayaan Wariyayaasha Soomaaliya iyo weliba tacaddiyada loo geysto, wuxuuna farta ku fiiqay in mudadii lixda bilood ahayd ee ay xukunka hayeen uusan jirin wariye la xiray ama la dilay.
“Wariyayaasha dhamaantood waxay ahaayeen asxaabteena, weyna nala shaqeyn jireen, mana jirin dhibaato loo geystay oo sida lala wada socdo si xor ah oo nabadgelyo ah ayay u shaqeysan jireen”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudey.
Shiikh Cali Muudey waxaa uu intaas ku daray in marka laga soo tago Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka howlgeli jireen Wariyayaal Ajnabi ah oo dalka dibaddiisa ka yimid, kuwaasi oo uu sheegay in ay qudhooda si xor ah u shaqeysan jireen.
Hadalka Shiikh C/raxiin Cali Muudey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2007 iyo inta ka baxday sanadkan ay wariyayaasha Soomaaliyeed la soo gudboonaadeen xaalado adag, iyadoo qaarkood la dilay, la xiray, qaar kale la dhaawacay, halka kuwo kale oo aad u badanna ay dalkaba isaga baxeen.
Si kastaba arintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde iyo Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo maalintii shalay ahayd ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa waxay ballanqaadeen in ay ku dadaali doonaan sidii loo dhowri lahaa xoriyadda hadalka iyo Madax bannaanida Saxaafadda, iyagoo Saxaafaddana ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wanaagga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia