Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in haddii laga shakiyo la baari karo Haweenka kadib markii la qabtay Nin ku labisnaa Dharka Haweenka

Talaado, January 22, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in haddii laga shakiyo la baari karo Haweenka, iyadoo hadalkanina uu Maamulka sii daayay kadib markii saaka la qabtay nin ku labisnaa Dharka Dumarka.

Guddoomiyaha ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo wariyayaal kula hadlayay Xarunta CID-da oo uu ku sugnaa Nin ay Ciidamada Booliska ka soo qabteen inta u dhaxeysa Degmooyinka Xamar-weyne iyo Xamar Ja-jab ayaa sheegay in Ninkani uu ka mid yahay Kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada magaalada Muqdisho, isagoo intaas ku sii daray in sababta uu dharka Dumarka u soo qaatay ay tahay in uu ku fuliyo howlgal nabadgelyo darro ah.

“Ciidamada ku howlan sugidda nabadgelyada waxaan u sheegeynaa in ay qaban karaan haddii ay ka shakiyaan Dumarka, waayo waxaa soo baxaya rag ku soo labistay Dharka Dumarka”ayuu yiri C/fataax Shaawey oo sheegay in ninka la qabtay uu qabay inta shey ee ay Dumarka markiiba ku labistaan.

C/fataax Shaawey waxaa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay qabtaan Rag ku soo labistay Dharka Dumarka, wuxuuna sheegay in Ninka saaka la qabtay ay sharciga hor-geyn doonaan, lana marin doono wixii uu kiiskiisa ka qabo.

Ciidamada CID-da ayaa waxay u diideen Wariyayaasha in ay Su’aalo weydiiyaan Ninka la soo qabtay, si loo ogaado wixii ku kalifay in uu soo xirto Dharka Dumarka, waxayna sheegeen in ay su’aalo weydiinta u gaar tahay Ciidamada Dembi-baarista oo kaliya.

Dhanka kalena, Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo saaka howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ayaa waxay howlgalkoodaas ku soo heleen hub iyo waxyaabo qarxa, iyagoo sidoo kalena dadka ka kaxeystay xaafadihii ay ka howlgaleen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia