Isniin, February 04, 2008(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Hay'addaha Samafalka ka howl-gala Magaalada Beledweyne ayaa kulan ku dhax-maray Xaruta Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa looga wadda hadlay arimo quseeya Nabad-galyadda guud ee Gobalka gaar ahaan Magaaladda Beledweyne oo Maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen falal isugu jira dilal iyo qaraxyo qal-qal ku abuuray dadka shacabka ah.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka hadlay doorka Hay'addaha Samafalka ee ku aadan wax ka qabashadda Nabad-galyadda ayaa sheegay in looga bahaan yahay Gacan dhaqaale Madaama ayuu yiri aysan jirin cid wax qaban karta dhaqaale la'aan, waxaana uu intaa ku daray hadii xaaladu ay sidan ku sii socto xitaa ay sameyn ku yeelan karto shaqadda Hay'addaha Samafalka oo sida uu sheegay u baahan Nabad-galyo ay ku shaqeeyaan.
Gudoomiyuhu waxaa uu intaa ku daray in Mas'uuliyaddu aysan aheyn mid saaran oo kaliya Maamulka laakiin loo baahan yahay in laga wadda qeyb-qaato,'''' Maanta Maamuladda jira ee hoostaga Dowladda Federaalka waa kuwo ku dhisan Taageeradda shacabka taa marka aan leeyahay waxaa ula jeedaa in Maamulku uu sii jiri karo marka uu gacan dhaqaale ka helo qeybaha kale ee Bulshadda si markaa laysaga kaashado arimaha wax u dhimi kara Nabad-galyadda Guud ayuu yiri Dabageed.
Mas'uuliyiinta Hay'addaha ka soo qeyb-galay kulanka oo intooda badan u muuqday kuwo dhageysanayay oo kaliya haddalka Gudoomiyaha ayaa qaarkood markii danbe hadal ay ka jeediyeen kulanka waxaa ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan haddalka Gudoomiyaha, lakiin waxaa ay sheegeen in howlaha ay qabtaan aysan qeyb ka aheyn bixinta dhaqaale Ciidan inkastoo haddana ay ka garaabeen hadalka Gudoomiyaha ee ah in Nabad-galyaddu ay dhinacooda sameyn doonto.
Waxaa laysku af-gartay ugu danbeytii in si wadda jir ah laysaga kaashaddo ka hortaga dhibaatadda dhinaca Amaanka ah ee ka taagan gudaha Magaaladda Beledweyne si markaa loo helo jawi lagu wadda shaqeyn karo.
Waa markii ugu horeysay oo Maamulka Gobalka iyo Hay'addaha Samafalku ka wadda hadlaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka jiray Magaaladda Beledweyne, waxaana muuqaneysa in hadda Maamulku dareemay Culeyska iyo baaxadda arintani leedahay inkastoo haddana intii uu kalanku socday aan marnaba la soo hadal qaadin wax maamulku ka qabtay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay’adaha Samafalka oo ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa Nabadgelyada guud ee Gobolka
More News
- Dood Cilmiyeed ku saabsan Mustaqbalka Tacliinta Soomaaliya iyo Doorka Ardayda Soomaaliyeed ee dib u soo nooleyta Dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Dalka Malaysia
- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika oo soo bandhigtay waxqabadkeeda iyo Ganacsato Caan ah oo ka qeybgashay Kulankii Waxqabadkaas lagu soo bandhigayay
- Jidka kaliya ee ay Dadka iyo Gaadiidka ka galaan Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad u xiran Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Doon ku degtay Xeebta Kismaayo oo ay Dad ku dhinteen
- Guriga Madaxa Ammaanka Degmada Balcad oo xalay Bambo gacmeed lagu weeraray