
Isniin, February 04, 2008(HOL): Dood cilmiyeed ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Malayisa ayaa waxaa lagu qabtay Jaamacadda weyn ee Islamic University ee ku taala Magaalada KualaLumbur ee Dalka Malaysia
Dood Cilmiyeedkan oo ay iska kaashadeen Ururka Ardeyda Soomaaliyeed iyo Xarunta Cilmi-Baarist iyo Wadatashiga Soomaaliyeed, ee marka la soo gaabsho loo yaqaan (CRD), waxaa looga hadlay “Mustaqbalka Tacliinta Soomaaliya iyo doorka Ardada ee dib u dib u soo nooleynta Dalka Soomaaliya”.
Xarunta Cilmi Baarista ito Wadashiga (CRD) ayaa waxaa ay halkaas ku soo bandhigtay warbixn dheer oo ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay in Aradayda Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan dib u soo celinta sharafta qofka Soomaaliga ah.
Yasir Mohamed Baffa oo ka mid ardeyda wax ku barata Dalka Malaysia isla markaana Dood Cilmiyeedka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim iyo lama huraan tahay in la isku xiro Aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo Ardayda wax ku barata Dalka Dibaddiisa
Dood Cilmiyeedkan ayaa wuxuu Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata Dalka Malaysia uu u ahaa fursad ay kula kulmaan Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Cilmi-baaris ku sameeyay Xaaladda Dalka Soomaaliya, iyadoo Ardayduna ay soo bandhigeen warbixin qoto dheer oo aad u taabatay dadkii ka soo qeybgalayaashii Dood Cilmiyeedka.
Kulanka waxaa ka hadlay Prof Mohamed Ibrahim Aden oo wax ka dhiga Higher College ee Imaaraadka Carabta, Isla markaana ah gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga (CRD), Mohamed waxaa uu aradeyda uga warbixiyay Taariikhaha waa weyn ee caalimaka iyo sida ay ardeydu qeyb weyn uga geeysteen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalalkooda, waxaa kaloo uu si cilmiyeysan uga hadlay Magac-xumida Soomaalida soo gaartay 17kii sano ee ugu danbeeysay iyo doorka adeyda in ay soo celiyaan karaamada Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay, Prof Hassan Darmaan oo ku dheeraaday Xaalada Jaalayidda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia ay soo martay labaatankii sano ee ugu danbeeysay. Sido kale Prof Hassan waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay wax ka baran karto wadanka Malaysia.
Jabril Ibrahim Abdulle, Madaxa Xarunata Cilmibaarista iyo Wadatashiga (CRD), ayaa isna waxaa uu ka warbixyay cilmibaarist dheer oo ay CRD ku sameeysay, dhanka dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo dadka qurbo joogta ah. Waxaa ay ahayd markii ugu horeaysay oo ay ardeydu arkaan warbixin qoto dheer lehna tirokoobyo ku saleeysay aqoon iyo xog cilmiyeeysan.
“waa markii ugu horeeysay oo aan fursad u helnay in aan helno xog cilmiyaysan, isla markaana tayaysan” sidaas waxaa yiri Osman Abdi Hassan (Black) oo ka mid ah Ardayda Wax ka barata Dalka Malaysia, Osman waxa uu intaas ku daray in uu Dood Cilmiyeedka geliyay rajo weyn.
Kulankaan oo loo qorsheeyay in uu ku dhamaado mudo sadax saacadood ah ayaa wuxuu socday in ka badan todobo saacadood.
Marka warbixinda dhaamdeen, ayaa waxaa la furay aqoon isweydaarsi, cilmiyaysan, dood cilmiyaysan kuna dhisan is qadarin. Doodaan oo ahayd mid buux dhaafisay goobtii loogu talagay kulanka, ayay ardeydu u arkeen in ahayd middii ugu xiisaha badnyed. Ma dhacdo in ardey Soomaaliyeed oo kala fakar ah isla markaana ka timid degaanno kala duwan oo Soomaaliya ah in ay dood nadiif ah, saacadana socotay ay isugu yimaadaan” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Ardaydii Doodda ka qeybqaadaneysay oo isagu la dhacay sida uga sii korayaan habkii is-bar-bar yaaca iyo is-dhegeysi la’aanta ku saleysnaa.
Kulankaan oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 400 ardey, waxaa ay dhamaan ardeydu ka codsatay Xaruna CRD in ay ku soo noq-noto ardeyda una furto doodo noocaani oo kale ah. Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed Abdirahman Muudeey, ayaa ugu danbeenytii u mahadceliyay Xarunta CRD waqtiga ay ardeyda u hurtay.
Intii uu kulanka socday ayay Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ku barata Malaysia guddoonsiiyeen Madaxda Hay’adda CRD Hayid qaali ah oo ay ku sharfeen, iyagoo laga damreemayay sida ay uga maqsuudeen barnaamijyadii ay Hay’adda CRD ula timid ee ku saabsanaa Mustaqbalka Tacliinta Soomaaliya iyo Doorka Ardayda Soomaaliyeed ee dib u soo nooleyta Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD oo gudaha Soomaaliya ku qabatay Dood Cilmiyeedyo ku saabsan xal u helidda mushkiladda Dalka Soomaaliya iyo weliba Dib u dhiska Dalka ayaa haatan waxay waddaa Barnaamijyo kale oo Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool loogu soo jeedinayo inay kaalin ku lahaayeen Nabadeynta Soomaaliya iyo weliba Dib-u-soo nooleynta Dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Hay’adda ay dhawaan Shir u qabatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Australia, iyadoo ka sii horna kulamo ceynkan oo kale ugu soo qabatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka iyo Yurub.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia