Guriga Madaxa Ammaanka Degmada Balcad oo xalay Bambo gacmeed lagu weeraray

Isniin, February 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar loo adeegsaday  Bambooyinka gacanta laga tuuro  ku qaadeen Guriga Madaxa Ammaanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ninka lagu magacaabo Abuukar Cumar.
 
Weerarkaasi ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac fudud ka soo gaaray labo ka mid ah Ilaalada Guriga Madaxa Ammaanka, kuwaasi oo dhaawacooda aanu u baahan in loo qaado Isbitaallo waa weyn, isla markaana lagu daweeyay gudaha Degmada Balcad.

Kooxihii Bambooyinka ku tuuray guriga Madaxa Ammaanka Degmada Balcad ayaa la sheegay in ay baxsadeen, iyadoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulka ka taliya Degmada Balcad oo ku saabsan qaraxa xalay ka dhacay Degmadaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ciidamada ammaanka Degmada Balcad ay soo qabteen dad looga shakiyay in ay ka dambeeyeen qaraxii xalay.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayaa weerar midkan oo kale ah waxaa loogu qaaday guriga Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye, inkastoo weerarkaas oo isna loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro aysan cidna wax ku noqon.

Magaalada Muqdisho iyo Gobollo dhowr ah oo ku yaala Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay weerarro loo adeegsado Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo qaraxyadaasna ay ka geystaan kooxo ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, dhawaan ayay ahayd markii Bambo Gacmeed lagu weeraray Guriga Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasina  uu dhaawac ka soo gaaray Xildhibaanka oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia