Doon ku degtay Xeebta Kismaayo oo ay Dad ku dhinteen

Isniin, February 04, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Doon ku degtay Xeebaha Magaaladaas ay ku dhinteen dad gaaraya 6 ruux.

Doontan oo ka furatay Dekedda Magalada Kismaayo ayaa waxay ku rogmatay meel aan u dheereyn halkii ay ka shiraacatay oo ahayd Xeebta Deegaanka Qiil-ma-waaye, iyadoo kadibna ay u gurmadeen Doomo dheereeya iyo Baxaariin ku sugnaa Dekedda Kismaayo.

Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan waxa keenay in ay Doontaas rogmato, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Doonta la saaray Tan aad u culus oo ka badan inta ay qaadi karto, halka warar kalena ay sheegayaan in Doonta ay qalibeen dabeylo xooggan oo beryahan ka jira Xeebaha Koofurta Soomaaliya.

Doontan oo waday Dad Rakaab ah iyo Xamuul kale isugu jiray Shidaal iyo Bagaash iyo Lacag Shillin Soomaali ah ayaa waxay ku sii jeeday Jaziiradda Buur-Gaabo oo ka tirsan Jaziiradaha ku yaala Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shilka ku dhacay Doontaas ay si weyn uga naxeen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo weliba Jaziiraddii ay Doonta u socotay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Kismaayana waxay sheegayaan in weli baadi-goob lagu hayo seddex ruux oo ka mid ah dadkii saarnaa Doonta, kuwaasi oo aan weli la heynin Raq iyo Ruux, iyadoo ay dadaalkaasina wadaan ehelada dadka maqan iyo Dad Bad-maaxayaala ah.

Sidoo kalena waxaa baadi-goob loogu jiraa Lacag iyana Doonta ku rarneyd oo dhameyd 150 Milyan Shillin Soomaali ah, taasi oo loo waday Jaziiradda Buur-Gaabo, walow la sheegayo in la helay Shidaalkii ay Doonta Waday oo soo caariyay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo Doon u socotay Jaziiradaha ku yaala Koofurta Kismaayo ay qalibanto, waxayna ahayd sanadkii hore markii Doon ka timid Jaziiradaha Koofurta Kismaayo ay ku qalibantay Xeebta Kismaayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia