Isniin, February 04, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa maalintii labaad waxaa u xiran Isgoyska Howl-wadaag oo ah Wadada kaliya oo ay dadka iyo gaadiidka ka galaan Suuqa Bakaaraha.
Wadadan ayaa xirantay kadib markii Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadadaas soo degeen, isla markaana ay joojiyeen in ay dadka iyo gaadiidkaba isticmaalaan wadadaas.
Xirnaashaha Wadadan ayaa waxay saameyn ku yeelatay Dadka u ganacsi taga Suuqa Bakaaraha iyo kuwa wax ka soo iibsada, kuwaasi oo haatan isticmaala si ay Suuqa u galaan Waddooyin xaafadaha dhexdooda ah.
Sidoo kalena, Darawaliinta kaxeeya Gaadidka BL-ka ayaa iyana waxay sheegayaan in ay dhibaato ku qabaan xirnaashaha Wadadaas, waxayna sheegayaan in ay haatan isticmaalaan Waddooyin qardo jeex ah oo xaafadaha dhexdooda ah, kuwaasi oo Bacaad ah, isla markaana burbursan, iyadoo ay taasi u sii dheer tahay in isticmaalka Waddooyinka xaafadaha dhexdooda ah uu shidaal badan ku gelayo.
Lama yaqaano ilaa iyo haatan sababta Ciidamada loo soo dhoobay Isgoyska Howl-Wadaag oo muddooyinkan ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo Gaadiidka BL-ka ah ka qaadi jiray Lacag aan sharciyeysneyn oo ay Ciidamada Isgoyskaas jooga iska qaadan jireen.
Ugu dambeyntiina, ganacsatada Suuqa Baakaraha iyo Gaadiidleyda BL-ka ayaa waxay ka codsanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u furto Waddooyinka laga galo Suuqa, si uu dib ugu bilowdo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga oo haatan sii yaraanaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia