Madaxii Garsoorka Ciyaarihii Is-reebreebka Gobollada Soomaaliya ee Garowe lagu qabtay oo ka warbixiyay sidii ay u qabsoomeen Ciyaarahaas

Cabirka Farta

Garsoore Aweys Maxamed Jimcaale
Khamiis, December 04, 2008(HOL): Madaxii Garsoorayaasha Ciyaarihii Is-reeb reebka Gobollada Soomaaliya ee Garowe lagu qabtay Aweys Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay  sidii ay u qabsoomeen ciyaarahaas.

Aweys waxaa uu sheegay in intii aaaney bilaaban ciyaaraha is-reeb reebka Gobollada dalka ay seminaar ku qabteen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo seminaarkaasna loo qabtay 72 xubnood oo ka kala socday Maamulka Isboortiga 5 gobol oo ka tirsan Puntland iyo Garsoorayaal ka socday 5 Gobolka oo Puntland ah.

“Seminaarradaas oo bilowday 2-dii November 2008 wuxuu soo gebageboobay 11-kii November 2008, markii ay Seminaarrada soo gebageboobeenna waxaan la siiyay Garsoorayaasha iyo Maamulka Isboortiga Puntland qalab dhameystiran oo Isboorti”ayuu yiri Aweys Maxamed Jimcaale.

“20-kii November 2008 ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday Tartanka Is-reeb reebka Ciyaaraha Kubadda Cagta Gobollada Dalka Soomaaliya, waxaana qabannay 9 kulan oo ay ku tartamayeen gobol oo ka tirsan Puntland, waxaana tartankaas ciyaartii ugu dambeysay isugu soo haray Gobollada Bari iyo Nugaal oo uu Gobolka Bari ku adkaaday 2-0”ayuu intaas ku sii daray Aweys Maxamed Jimcaale oo sheegay in tartankii lagu soo gebagebeeyay Garowe ay ka soo baxeen labo ciyaaryahan oo ka kala socda Gobollada Sool iyo Bari, kuwaasi oo lagu daray Xulka Qaranka Soomaaliya.

“Labadaas Ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo C/salaan Faarax Jaamac wuxuu ka socdaa Sool, wuxuuna ka ciyaaraa Difaaca, Yuusuf Maxamed Diiriye oo Bari ka socdana wuxuu ka ciyaaraa Baalka midigta ah, waana labo ciyaaryahan oo muhiim u ah Xulka Qaranka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Aweys Maxamed Jimcaale oo ka mid ah Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Aweys Maxamed Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in tartankaas oo ahaa mid xiiso badan lagu dhaliyay 57 gool, sidoo kalena lagu bixiyay 29 Kaarka Jaallaha ah (Yellow Card) iyo 7 Kaar oo cas ( Red Card).

Ugu dambeyntiina, Aweys waxaa uu u mahadceliyay Maamulka Puntland guud ahaan, gaar ahaan midka Isboortiga oo la suurtageliyay in uu tartankaas qabsoomo iyo Shacabka Puntland oo iyana si weyn uga qeybgelay tartankaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia