Khamiis, December 04, 2008(HOL): Dalkan Koofur Afrika ayaa waxa uu yahay mid ka mid ah dalalka dunida ugu dambiyada badan taasoo sababtay in ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan ay la kulmaan dilal fara badan iyo dhac intaba.
Haddaba bishan oo ah bisha ugu dambiyada badan Wadankan ayaa qaar ka mid ah ganacsatda Soomaaliyeed ee aan kula kulmay xaafado ka tirsan magaalada Cape Town waxa ay ii sheegeen in ay baqayaan taxadar badanna ay muujinayaan.
Sababta oo ah bisha December waa bil ay dadka Wadankan u dhasahy badankoodu fasax yihiin iskuulladuna ay xiran yihiin maxaabiista kuwooda an dambiyada waaweyn galin iyo kuwa waqtigii lagu xakumay ay bilo uga hareenna xabsiga laga sii daayo.
Waxaa intaasi dheer waa bisha dadkani ay qamriga sida aadka ah u cabaan oo waliba burcadda hubeysanina ay doonayaan lacag ay ku tumasho tagaan iyo gawaari ay ku socdaan xiligan fasaxa ah taasoo keenta in ay burcaddu dhacaan goobaha ganacsi ee aanu ammaankoodu wanaagsaneyn.
Ugu dambeyntiina, Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay digniin u jeediyeen dhammaan Soomaalida ku dhaqan Wadankan in ay foojignaadaan, ayna xiriir toos ah la yeeshaan Ciidamada Booliska si ammaankooda loo sugo, waxayna talo u soo jeediyeen ganacsiyada ku yaalla goobaha ka fog ciidamada booliska in ay xiraan mehradahooda ka hor waqtiyadii caadiga ahaa ee ay xiri jireen.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa