Khamiis, December 04, 2008(HOL): Wararka laga helayo Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi la gaarsiiyay Meydka Nin rayid ah oo sida wararku sheegayaan Kooxo hubeysan ku toog teen deegaanka Jaraclle oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Marxuumka geeriyooday laga dajiyay Gaari uu ka soo raacay Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isaga oo ku soo jeeday Magaalada Beledweyne, laakiin ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan sababta keentay dilka qofka rayidka ah.
Ehelada Marxuumka ayaa waxaa ay HOL u sheegeen in ay u maleynayaan sababta dilkaasi aano Qabiil oo ku saleysan dagaalo horay u dhaxmaray Beelo wada dega gudaha Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay intaas ku dareen in ay la socdsiiyeen falka dhacay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Feer-feer oo horay dhexdhexaadin uga galay Colaadda labada Beelood.
Dilkan oo si weyn ay uga xumaadeen dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili Nabad-galyada wadada dhexmarta Gobalka Hiiraan ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha kuwaas oo ilaa hadda aan wax war ah ka soo saarin falkii xalay dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia