Khamiis, December 04, 2008(HOL): War qoraal oo ay soo saareen Golaha Aqoonyahannada Gobalka Hiiraan oo la soo gaarsiiyay Xafiiska HOL ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si weyn loogu taageeray heshiiskii dhawaan Dalka Jabuuti ay ku kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.
Qoraalka oo ahaa mid aad u dheer isla markaana dhinacyo badan looga eegay sida uu u dhignaa heshiiska labada dhinac ayaa ugu horeyn waxaa ay Golaha Aqoonyannadu ku sheegeen wax lagu farxo tanaasulka ay muujiyeen dhinacyada Dowladda iyo Mucaaradka, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqeen qodobka ku saabsan Awood qeybsiga iyo in la dhiso Dowlad Midnimo Qaran oo dhinacyada oo dhan ku wada jiraan taasoo muujineysa in hoggaamiyayaasha Soomaalidu gaaray biseyl Siyaasadeed oo dhab ah.
Waxaa si gaar ah qoraalka loogu soo qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasoo qoraalku uu ku tilmaamay geesiyaal u kacay sidii ay u badbaadin lahaayeen Bulshada inta ka soo hartay Marxaladdii qalafsaneyd ee la soo maray 18-kii sano ee la soo dhaafay.
"Ciidamada Itoobiya waa ay baxayaan Bulshada Soomaaliyeedna intaa ka badan ma xamili karto dagaal iska sii socda, sidaa daraadeed waa in Soomaalida oo dhan ogaataa in la gaaray Watigii leys wada cafin lahaa si loo helo Nabad iyo degaasho” ayaa lagu yiri qoraalka oo dhinaca kale ku booriyay dhinacyada Heshiiska gaaray in la baadi goobo dhammaan Ururrada si loo dabool farqiga hadda jira.
Golaha Aqoonyahannada Gobalka Hiiraan sidoo kale waxaa ka codsadeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Dalka Soomaaliya in uusan dib uga laaban wadada sida hadalka loo dhigay uu hada Cagta saaray ee ah in wax kasta oo jira lagu doono wada hadal halkii lagu raadin lahaa qoriga caaradii.
Marka laga oo tago in si weyn Goluhu u soo dhaweeyay heshiiska Jabuuti dhinaca kale waxaa xusid mudan in qoraalka lagu oo qaaday Mas'uuliyiinta fadhigoodu yahay Asmara, kuwaas oo Goluhu ka codsaday in ay ka qeyb-qaataan dadaalka socda si loo soo af-jaro mashaqada ku habsatay Kumanaan Kun oo Soomaali ah, waxaa si gaar ah qoraalka ugu xusnaa Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta hormuudka u aheyd Maxkamadihii Islaamiga Dalka Soomaaliya laakiin ay hadda ku kala leexdeen dhinaca Siyaasada Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo garabkiisu heshiiska la galay Dowladda Federaalka.
Inkatoo Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan ay siweyn u soo dhaweeyeen heshiiskii dhaxmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa haddana waxaa dhinaca kale in la xuso u baahan in ay jiraan qeybo kale oo u arka heshiiskaasi in uu yahay mid aan wax micno ah soo kordhin doonin isla markaana sii durjin doona uun farqigii Siyaasadeed ee u dhaxeeyay qeybaha isku haya Maamulka Dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Golaha Aqoonyahannada G/Hiiraan oo rajo ka muujiyay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta
Cabirka Farta
More News
- Zam Zam Cabdulle iyo warbixinteed ahayd xadgudubka Xuquuqul Aadmiga ee Soomaaliya
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo gaaray Jibouti
- Madaxii Garsoorka Ciyaarihii Is-reebreebka Gobollada Soomaaliya ee Garowe lagu qabtay oo ka warbixiyay sidii ay u qabsoomeen Ciyaarahaas
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Magaalada Muqdisho ka wada Dhaqdhaqaaqyo u eg in ay baxayaan
- Maamulka Puntland oo sheegay in Heshiiskii Jibouti uu ahaa mid lagu dhabar jebinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Xalay Qof rayid ah ku dilay deegaanka Jiraclle oo ka tirsan Gobalka Hiiraan
- Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo maanta qalab isboorti guddoonsiisay guddiga Olombikada gobalka Jubbada dhexe
- Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika oo cabsi ka qaba in ay la kulmaan Dhac iyo Dil Bishan December