Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo maanta qalab isboorti guddoonsiisay guddiga Olombikada gobalka Jubbada dhexe

Cabirka Farta


Khamiis, December 04, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa maanta qalabisboorti oo noocyo kala duwan ah guddoonsiiyay guddiga Olombikada Gobalka Jubad Dhexe oo noqday gobalkii ugu dambeeyay goballo dhawaanahanba qalabkooda la gudoonsiinayay.

Munaasabada guddoonsiinta qalabkan oo ka dhacday xarunta GOS ee magaalad Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay xiriirada kala duwan ee hoos yimaada GOS,waxaana qalabkaas u gudoomay gobalka Jubada dhexe wakiil ka socday gobalka oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Salaan maxamed.

Horay ayaa goballada intooda badan loo guddoonsiiyay qalabkii loogu talagalay hase ahaatee waxaa jira gobalo aanay fursadu u saamixin in ay xiligaa yimaadaan kuwaas oo midba maalintii uu imaan karay qalankii loogu talagalay la siiyay.

Gobalka Jubbada dhexe ayaa maanta noqday gobalkii ugu dambeeyay ee qalabkiisii isboorti ka hela guddiga Olomikada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka GOS ahna ku simaha guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo munaasabadii guddoosiinta ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan ay soo dhiibtay IOC oo ah guddiga Olombikada adduunka looguna talagalay in lagu horumariyo cayaaraha kala duwan ee Soomaaliya.

“Anaga waxaa noosoo dhiibay Guddiga olomikada aduunka waana nalaku imtixaamayaa bal hadii sidii la rabay aanu ugu gudbino gobalada anaguna sidaas oo kale ayaan ugu imtixaameynaa gobalada bal hadii ay sidii loogu talagalay wax ugu qabtaan”ayuu munaasabadii guddoosiinta ka sheegay ku simaha guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).


Shaafici Muxyaddiin Abuukar
[email protected]
Mogadishu, Somalia