Somaliland oo Xukun ku ridday Rag loo haystay Budhcad-Badeednimo

Cabirka Farta

Isniin, 22 December 2008 (HOL) -  Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa maanta Xukun ku ridday 5-Nin oo ay sheegtay inay ku caddaatay fal Budhcad-Badeednimo, ka dib markii ay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay 10-maalmood ka hor sheegeen inay ka soo qabteen Deegaan ka mid ah Gobolka Sanaag.


Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa Shanta Nin oo ay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay sheegeen inay ka soo qabteen Deegaanka Shalcow ee Magaalada Xiis ee Gobolka Sanaag, ku Xukuntay min 12 sanno oo Xadhig ah.

Shanta Nin oo toddobaadkii hore bilowgiisii Xukuumadda Somaliland ku soo bandhigtay, ayaa intii qabashadooda ka dambaysay ku xidhnaa Xabsiga Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil uu sheegay inay ku caddaatay fal Budhcad-Badeednimo, ka dib markii sida la sheegay uu Iska hor imaad Xeebta Deegaanka Shalcow ku dhex maray iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in Laash iyo Hub ay wateen ay la wareegeen Ciidamada Somaliland.


Maaha markii ugu horraysay ee Maxkamad Somaliland ahi Xukun ku riddo Rag ku eedaysan, isla markaana siday sheegtay ay ku caddaato Fal Budhcad-badeednimo, hase ahaatee, sanadkan badhtamihiisii ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Saaxil ay Xukunno kala duwan oo Xadhig ah ku ridday Shan Nin oo hore oo la sheegay inay ku caddaatay Budhcad-Badeednimo.

Xukunka Maxkamadda Gobolka Saaxil ay ku ridday Budhcad-Badeedda kala duwan, ayaa ku soo beegmay Waqti Beesha Caalamku ay u caal wayday inay tallaabo ka qaaddo Budhcad-Badeedda ka dillaacay Xeebaha dibedda ka ah Biyaha Badaha Somalia. Kuwaas oo khatar ku ah Ganacsiga Caalamiga ah iyo Maraakiibta Caawimada gargaarka u sida dadka ku tabaalaysan Deegaammada Somalia.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.